Xildhibaannadda Mucaaradka Djibouti Oo Laba Sanno Ka Dib Soo Xaadiray Fadhiga Baarlamaanka

0
948

Jabuuti, (HargeisaPress) β€” Mudaneyaasha Isu taga Mucaaradka Jabuuti ayaa fadhigii Khamiista ee Baarlamaanka Jabuuti ka soo qayb galay ka dib markii muddo laba sano ah ay ka maqnaayeen fadhiyada Baarlamaanka. Soo laabashadooda ayaa ka dambeysay ka dib markii 31-kii bishan heshiis dhexmaray mucaaradka iyo Madaxweynaha Jabuuti.

β€œMaanta waxaa yimid Golaha baarlamaanka Asxaabtii Mucaaradka ahayd ee USN, waxayna qayb ka tahay heshiiskii 31-kii bishan la saxeexday.fadhigan maanta wuxuu ahaa kii u horeeyay ee walaalahayaga mucaaradka ahi nagala soo qayb galaan. Waxaanan mahad aad u weyn u dirayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti, Aabbaha dalka oo isagu talaabadan heshiiska ah gacantiisa ku qaatay,isagoo la kaashaday ismaaciil Geedi Xareed” ayaa ka mid ahaa hadalka mudaneyaasha Muxaafadka ah oo saxaafadda la hadlay fadhiga ka dib.

Dhinaca kalena Mudane u hadlay xildhibaanada Maanta fadhiga soo xaadiray ayaa yidhi β€œXildhibaanadii Isu taga Mucaaradka ka tirsanaa Baarlamaanka soo galay,iyagoo muddo laba sano ah hadda ka maqnaa. Waxaa bannaanaatay oo xalaal noqotay inay xubnihii mucaaradka ahaa Fadhiga yimaadaan, sidaas ayaanu ku nimid oo Heshiis ayaanu ku soo galay”

Mucaaradka Jabuuti iyo Xukumadda ayaa khilaaf kala irdheeyay muddo dheer ku kala maqnaa ka dib markii doorashooyinkii kale dambeeyay ee Jabuuti ay ku gacan saydheen natiijada ka soo baxday, iyagoo ku dooday in wax la is-daba mariyay, hase ahaatee dhamaadkii bishii December ayaa labada dhinac kala saxeexday heshiis wada shaqayneed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here