Guddoomiye Ciro Oo Booqasho Ku Tagey Xaafada Sheekh Nuur ee Hargeysa, Boqolaal Dadweyne Ahna Masjidka Xaafadaas Kula Tukaday Salaadii Jimce, Una Jeediyey Khudbad Isagu Jirta Duco iyo Dardaaran.+ SAWIRO

0
1199

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ay wahelinayaan xubno ka mid ah hoggaanka iyo gudida fulinta ee xisbiga Waddani, ayaa booqasho indho-indhayn ah sida oo kalena ay ugu kuur galayaan xaalada dhabta ah iyo baahiyaha kala duwan xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa ku tagey suuqa saribada, qaar ka mid ah maqaaxiyaha, dukaamada iyo suuqa weyn ee saribada ee ku yaala xaafadaasi, iyada oo sida oo kalena uu guddoomiyahu salaadii jimcaha kula tukaday boqolaal dadweyne ah masjidka weyn ee ku yaala xaafadaasi Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.

ciroo xafad

Booqashadan oo ay guddoomiyaha ku wahelinaayeen xoghayaha siyaasada xisbiga Waddani, xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha Md.Daa’uud, afhayeenka garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir, xildhibaan Xuseen Cige, Haldoor-Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Maxamed Xasan Dirir, ayaa markiiba si meeqaamkeedu uu aad u sareeyo loogu soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo wefti la socdayba.

cirro xafadda

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa ugu horeyn meel maqaaxi ah kala shaaheeyey dhalinyarta iyo odeyaasha xaafada Sheekh Nuur, isaga oo sida oo kalena halkaas kaga xog waraystay baahiyaha kala duwan ee jira xaafada Sheekh Nuur, waxaana ay guddoomiyaha halkaas ugu soo bandhigeen baahiyo kala duwan oo ay sheegeen in ay ka jiraan xaafada Sheekh oo ay ka mid ahaayeen biyo la’aan, waxbarasho dugsi Iskuul-sare ah, iyaga oo halkaasna guddoomiyaha kaga codsaday in uu wax kala qabto marka uu ku guulaysto talada dalka.

Mid ka mid ah oo ku hadlaayey afka dadkaasi, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro  uu meel maqaaxi ah kala shaaheeyo, waxaa kale oo ay uga mahad celiyeen booqashada uu ku yimi xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.

cirrpo sh

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maanta in guddoomiyahii golaha Wakiilada sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani uu meel maqaaxi nagala shaaheeyo oo aanu kaftan iyo sheekaba isku weydaarsano annaga oo ah dadkii uu madaxda u ahaa sida oo kalena ah taageerayaashiisii, waxaan kale oo aan uga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee uu maanta ka xaafad ahaan uu noogu soo sharfay in uu na soo booqdo oo uu isku dayo in uu maanta dareenkiisa la wadaago waxa ay ku sugan yihiin dadkiisa walaalaha ah ee ku dhaqan xaafada Sheekh Nuur, waxaan guddoomiyaha u sheegaynaa in xaafada ay ka jiraan baahiyo badan oo ay ugu horeyso biyo-la’aan baahsan oo ka jirta xaafada, Iskuulka oo aanu u baahanahay dugsiga sare in na loo dhiso, dhinaca caafimaadkana waa aanu ku liidanaa iyadana Insha Allah marka aad talada dalka ku guulaysato in aad waxaas oo dhan aad wax nagala qabato ayaan kuu rajaynaynaa, annaguna cod ayaan kugula garab galaynaa.”.

cirro 22

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna halkaas hadal kooban a jeediyey, ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhammaanba dadka dega xaafada Sheekh Nuur sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanu xaafada u iman arrimo olole balse uu doonaayo sidii uu dareenkiisa iyo waxa ay ku sugan yihiin uu ula wadaagi lahaa dadka ku dhaqan xaafada Sheekh Nuur, waxaana uu sida oo kale uu sheegay in haddii Alleh idmo marka uu talada dalka ku guulaysto uu wax badan kala qaban doono baahiyaha ka jira xaafada Sheekh Nuur.

Intaa ka dib, waxaa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga wahelinaayeyba ay socdaal lug ah ku soo dhex mareen suuqa weyn ee Saribada xaafada Sheekh Nuur iyada oo halkaasna ay hooyooyinkii iyo dhammaanba dadii kale ee ganacsatada ahaa ay soo dhaweeyeen guddoomiyaha iyaga oo gacmaha ka dhunkanaaya, sida oo kalena aad ugu faraxsan booqashada uu ugu yimi xaruntoodii ganacsiga.

cirro akaak

Ugu danbeyntiin guddoomiye Ciro, waxaana uu boqolaal qof salaadii Jimcaha kula tukaday masjidka weyn ee xaafada Sheekh Nuur, isaga oo salaadii jimcaha ka dibna hadal kooban oo uu u jeediyey dadweynahii masaajidka ku soo tukaday uu duco iyo dardaaranba isagu daray dadkii ka soo qeyb galay salaadii jimcaha, waxaana uu sheegay in Illaahay ka beryaayo in uu qaranka Somaliland ka yeelo mid horumara sida oo kalena aduunyada kale ka hela Ictiraaf buuxa, isaga oo sida oo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland ay illaaliso wada-jirkeeda iyo ka hortagida waxyaabaha dhibaatada ku keenaya Nabada iyo xasiloonida dalka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here