Guddoomiye Axmed Cabdale oo Ku Baaqay In Xil Layska Saaro Biyaha Hargeysa

0
891

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed  Abdale, ayaa waxaa uu ku baaqay in xil layska saaro sidii Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa biyo ku filan u heli lahayd.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Abdalla, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ayaan darro tahay in 30 sanno Magaalada Hargeysa biyo la’aato.

Waxaana uu uu u soo jeediyay Wakaalada Biyaha Hargeysa in ay ka soo baxdo Masuuliyadda ka saaran sidii Magaalada Hargeysa Biyo u heli la hayd.

Ahmed Abdalla, waxaa kale oo uu sheegay in looga baahanyahay Shacabka Somaliland in ay ka faaii,daystaan Biyaha Roobka ee bada galaya, islamarkaana dalka laga hirgaliyo Dugsiyo lagu barto Culuumta Biyaha.

Guddoomiye Axmed Cabdala, ayaa waxa uu sheegay in ka Urur ahaan ay waxka qaban doonaan Biyaha Hargeysa hadii ay ku guulaystaan Doorashada Ururada Siyaasada Somaliland, waxaana uu soo jeediyay in laga waantoobo hadalada Umadda kala qaybinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here