Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Somaliland iyo Wiil Uu Dhalay oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
537

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Somaliland iyo wiil uu dhalay, ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka War-idaad.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Saleebaan Maxamed Xaaji Nuur, ayaa ahaa Taliyihii guutada 116aad ee Ciidamada Somaliland ee fadhiisinka Yube.

Waxaana alle ha u naxaariistee Maydka sarkaalka iyo wiilkiisa galabta aas loogu wada sameeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sagaan.

Aaska Sarkaal iyo wiilkiisa, ayaa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka Sanaag, Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

Waxaanay Saraakiisha ciidanka ee aaska ka qayb galay ay taliyaha ku sifeeyeen in uu ahaa nin geesi ah oo shaqo badan oo qarankiisa habeen iyo maalinba si hagar la’aan ah ugu shaqaynayay.

Somaliland, ayaa waxaa ku soo badanaya Shilalka baabuurta iyaga oo khasaare naf iyo maalba leh ka gaystay guud ahaan Somaliland sannadkasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here