Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Kulan La Yeeshay Madaxda Wasaarada Arrimaha Dibada Sweden

0
1667

Stockholm (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu saraysa wasaarada arimaha dibada ee Sweden.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha dibada ee Sweden ayaa guddoomiye Cirro waxa uu Masuuliyiinta Sweden uu kala hadlay arimaha ay ka taageeraan Somaliland oo ay ka mid tahay doorashooyinku iyo xoojinta xoriyatul qawlka.

“Waxaanu maanta la kulanay Wasaarada arimaha dibada, gaar ahaana waaxda Afrika, waxaanu kala hadlay arimaha doorashooyinka, Dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinka Somaliland.

Waxaanu ku wargalinay in doorashadii la qabanayo bisha 5aad, waxay noo sheegeen inay wararkeeda hayaan doorashada, safaaradooda Swedena ay usoo dirtay warar arimahaa ku saabsan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kale oo uu sheegay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro in masuuliyiinta Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Sweden ee ay kulanka la yeesheen ay kala hadleen sidoo kale arimo ku saabsan Miisaaniyada doorashooyinka, isagoo gudoomiyuhu arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu kala hadalnay arinta Miisaaniyada doorashada, waxaanay balanqaadeen inay arintaa jawaab ka soo bixin doonaan Insha Allaahu  si dhakhso ah, jawaabtana la ogaan doono hadii alle yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here