Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Roobab Ka Da’ay Sool

0
982

Laascaanood (Hargeisa Press): Laba qof ayaa ku geeriyooday roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayay gobolka Sool.
Sidoo kale roobabkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay sababeen khasaare hantiyeed oo fara badan.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

Waxaanu badhasaabku ugu baaqay bulshadda gobolkaasi in ay ka feejignaadaan roobabka, isla markaana ay ka fogaadaan meelaha biyo-marreenka ah.

“Waxaan Tacsi u dirayaa ehelada ay ka geriyoodeen labada carruurta ah. Cawil khayr qaba, samir iyo iimaan na Rabi ha kasiiyo.

Bulshadda gobolka Sool waxaan Ku wargalinyaa oo aan la wadagayaa in la galay wakhtigii roobaadkii.

Dhamaan dadweynaha reer Sool meel kasta oo ay joogaan Miyi iyo magaalaba, waxaa la farayaa inay ka taxadaraan dhulka Biyo-mareenka ah, iyo meelaha Godan, Baliyada buuxa, ceelasha iwm miyi, iyo magalaba” ayuu ku yidhi badhasaabku qoraal uu soo dhigay degelkiisa Facebook.

Badhasaabka fariintiisa sii watayna waxa uu yidhi, “Dadka reer miyiga ah oo dagan meelaha Dooxada ama Togga ah in ay meelaha sare ubaxaan, oo degaan meelaha sare.
Kana fogaadaam Doxooyinka iyo Biyo- mareenka”.

HargeisaPress.com/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here