Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Murashixiinta Ugu Baaqay Inay Ku Soo Noqdaan Saaxadda Nadiifta Ah Oo Aanay Xaaladda Adkayn

0
854
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan  Maxamuud Aadan ayaa si wada jir ah ugu baaqay inay xisbiyadu joojiyaan hadalada xanafta leh isla markaasna ay ollolaha ku galaan si nadiif ah.

Masuuliyiintan ayaa xisbiyada qaranka ugu baaqay inay haatan ka leexdeen jidkii ahaa inay ku dhex hirdamaan Somaliland isla markaasna ay sheegaan waxa ay u qaban doonaan shacbiga Somaliland, waxaanay labada masuul ee kuwa qaranka ugu sareeya ka midka ah ku baaqeen in la hagaajiyo tartanka hanashada kursiga madaxweynaha loogu jiro.

Ugu horayntii guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo ka hadlaayay xaflada xuska aasaaskii tilifishanka Kalsan oo lagu qabtay Hargeysa, waxa uu yidhi “Asxaabta siyaasada maadaama oo aynu ku jirno xili ollole oo doorasho maalmo dhawayd si fiican ayay arinkaasi uu u bilaabmay si nadiif ah ayay u doodeen oo waydinkii arkaayay doodii la soo bandhigay, waxay ka doodeen horumarka ay dalka gaadhsiinayaan arintaasi mid fiican ayay ahayd oo olloluhu si fiican ayuu ku bilaabmay laakiin waxaad moodaa in wadadii laga sii leexanaayo anigu waxaan ugu baaqayaa in dib loogu soo noqdo xeerkii anshaxa ee iyaga laftigoodu ay saxeexeen oo loo soo bandhigo dadka waxii lagu dooranayay. waayo dhawrkii casho ee ugu danbeeyay waxa aad inoogu soo badanaayay is dhaliilid shaqsi u badan, halkaas waan dul istaagayaa oo iyada oo ay fariin qaran inaga saarantahay asxaabtuna xaq ayay u leeyihiin inay tartamaan laakiin yaan wadada laga leexan ee garoonka ciyaarta halagu soo noqdo.”

Guddoomiye Aadan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Marka aynu is dhaliilayno yaynaan darajo siinin cid aan lahayn, waxaan arkayay maalmii ugu danbeeyay iyada oo laysku dhaliilaayo Somaliya ayaa wax ka danbaysa ama cid lacag siinaysa, waa walaaladeen nabad ayay u baahan yihiin waa ay dedaalayaan oo maamulo ayay samaysteen laakiin shan iyo labaatan sanadood ayay nabadii ku guulaysan la’yihiin, dadka shan iyo labaatankaas sanadood dadaal ku jira in darajo aanay lahayn la siiyo maaha , waayo madaxda dhan walba ka soo jeedaa waa madaxdii qaranka rag looga baqaayo inay qarankan meel kale u leexiyaan kuma jiraan dhamaan asxaabta oo dhan, sheekadaasi runtii waa mid aan fiicnayn oo ku tusaysa in wadadii laga sii leexanaayo, Somaliland iyada ayaa wax qabsatay lix iyo labaatan asanadood ayay dhisnayd asxaabta iyo tartanku waa meel aynu gaadhnay meelaha qaarkood Afrika faash ayaa laysla dhacaa  oo dawlado waaweyn oo calan leh oo UN-ka fadhiya waxay isku laayaan qoomiyad qoomiyad  inaguna tartan nadiif ah ayaynu wadnaa  markaas in dib loogu soo noqdo oo darajooyin badan oo aynu leenahay aynaan siinin cid aan u qalmin ama aan qayb ka ahayn dhibaatadeena.”

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiyaha maxkamada sare ugu baaqay xisbiyada qaranka inay dhaqaalaha ollolaha maalmahan danbe ay u leehixyaan dadka baahan”haddii aad dadkii tusteen oo aad cududiinii muujiseen in dhaqaalahan baxaaya aad u bdashaan cisbitaalada, wax barashada dadka baahan iyo kuwa danyarta aha, waayo dhaqaale baaxad leh ayaa isku soo baxan dadka idinkaga baxaaya, markaas qaabka ollolihiina badala.”

Guddoomiyaha guurida Saleebaan Maxamuud Aadan oo furitaankii kalfadhiga golaha guurtida ka hadlaayay ayaa isaguna dhankiisa diray fariin taas la mid ah, isla markaasna xisbiyada ugu baaqay inay ku olloleeyaan wax qabad”Asxaabta waxaan ka codsanayaa in aanay na lulin, waxa wanaagu yahay xisbi waliba siyaasadiisa iyo barnaamijkiisa haynaga iibiyo oo ha ku qanciyo, laakiin  is xagxagashadu meesha kuma jirto, madaxda asxaabta iyo asxaabta waxaanu ka codsanaynaa inay arintaas joojiyaan oo aad na qancisaan codku waxa uu ku xidhan yahay xisbi waliba sida uu u hantiyo dadka, is xajiimayna laguma hantiyo dadweynuhu cadaalada ayuu jecel yahay, ninkii cadaalad iyo horumar u wada ayuun buu u codaynayaa, waxaanu ka codsanaynaa inay arinta qaboojiyaan oo dhulka dhigaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here