Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Kulan U Furay Agaasime Waaxeedyada Shaqaalaha iyo Maaliyadda Ee Wasaaradaha & Hay’adaha

0
906

Hargeisa (Hargeisa Press) — Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Adan Haybe ayaa xarunta hay’adda ka furay kulan loo qabtay 36 agaasime waaxeedyada cududda shaqaalaha iyo qorsheynta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Waxaana guddoomiyaha munaasibadda Furitaanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,Maxamed Geeddi Caynaanshe, Xidhiidhiyaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee Baanka Aduunka, Xirsi Cabdilaahi Ismaaciil iyo Agaasimaha Waaxda Qaab-dhismeedka ee hay’adda shaqaalaha dawladda Farax Cismaan Jaamac.

Ugu horreyn, gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda oo si rasmi ah kulankaas u furay ayaa ka hadlay dedaallada ay hay’addu ku doonayso in lagu tayeeyo xafiisyadda dawladda, si kor-loogu-qaado tayada adeeg-bixinta xafiisyadda.

Wuxuuna guddoomiyuhu kul dardaarmay xubnihii agaasime-waaxeedyada ahaa ee ka qayb galay kulankaasi inay dhaqan-galiyaan hab-raacyadda isku-jaangoynta Shaqadda iyo shaqaalaha, taas oo ay hay’addu ku-dabo-gali doonto fulinteeda wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Dhinaca kale, agaasimaha waaxda Qaab-Dhismeedka hay’adda shaqaalaha dawladda, Farax Cismaan Jaaac, oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in qodobadda ay agaasime-waaxdeeyadda kula wadaagi doonaan kulankaas Sidii layskugu jaan goyn lahaa shaqadda iyo shaqaalaha xafiisyada dawladda isla markaana wasaaradaha iyo hay’adahu u daadajin lahaayeen qaab-dhismeedka heer gobol, waxayna intaas raacisay in goobaha shaqo ee bannaan loogu buuxin lahaa shaqaalaha ku haboon.

Gabo-gabaddii waxa kulankaas soo xidhay agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawladda Maxamed Geedi Caynaanshe, isaga oo kula dardaarmay agaasime-waaxdeedyadda inay ka dhabeeyaan hir-gelinta Qorshayaashaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here