Guddiga Qandaraasyadda Oo Shaaciyay Tartan Loo Gelayo Lix Mashruuc

0
636

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa maanta daah-furay tartan loo gelayo lix mashruuc oo laga fulin doono qaar ka mida goboladda dalka.

Waxaana munaasibadii lagu shaacinayay mashaariicdaasi joogay wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda Nuux Maxamed Xuseen, xubnaha guddiga qandaraasyadda.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay masuuliyiin ka socday shirkadaha u tartamaya fulinta mashaariicdaasi maanta la shaacinayay.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo shaacinta tartanka mashaariicdaasi hadal ka jeediyay ayaa u balan qaaday shirkadaha u tartamaya in ay heli doodaan tartan daah-furan oo madax banaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here