Guddiga Doorashada Oo Maanta U Socdaalaya Kulan Ay Addis Ababa Kula Soo Yeelanayaan deeq-bixiyayaasha

0
757

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si ula soo kulmaan dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

Guddoomiyaha guddiga doorashoyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo shalay ka hadlayay kulan madaxtooyada ka dhacay oo ay xukuumadu guddiga doorashada ku wareejinaysay 4 milyan oo Dollar oo qayb ka ah kharashaadka doorashada, ayaa wuxuu sheegay in xubno guddigooda ka tirsani la soo kulmayaan beesha caalamka  “Waxaanu bulshadda u sheegaynaa in xubno ka mid ah guddida doorashooyinka ay u amba-bixi doonaan dalka dibadiisa isla markaana ay la kulmi doonaan qaadhaan-bixiyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka”.

 

Xubnahan ayaa maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay kula soo kulmayaan dalalka deq bixiyayaasha ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here