Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Cayimay Wakhtiga Ay Doorashada Ku Qaban Karaan iyo Siday Dalka Uga Wada Dhici Karto

0
853

Hargeysa, (HargeisaPress) — 7-da Xubnood ee Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa Maanta shaaciyay wakhtiga ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada. Guddida oo Shir jaraa’id qabtay kadibna Golaha wakiilada hor tagay ayaa sheegay inay qorsheeyeen in dalka doorashadu ka dhacdo 1-da bisha June 2016-ka, sidaasna ay Madaxweynaha ugu gudbiyeen Muddadaasi si uu ugu cayimo doorashada.

“Waxaanu Xalay u gudbinay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cayimaada maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo ku beegmaysa maalinta ay bisha June tahay 1 2016(01-06-2016)” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

 

Dalabka Koomishanka

Gudoomiyaha Komishanka, Mr Cabdiqaadir Iimaan, ayaa sheegay in Komishanku golaha wakiilada uga fadhiyo qabyo tirka Xeerka doorashada golaha wakiilada iyo kan codbixiyeyaasha “Anigoo ka wakiil ah Komishanka doorashada qaranka ee hortiina fadhiya, waxaanu idinka codsanaynaa in la dhamaystiro Xeerka doorashada golaha wakiilada, in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka diwaangalinta codbixiyeyaasha, kaasi oo aanu ka diyaarinay qodobo iyo meelo u baahan in dib loogu noqdo” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanku.

Meelaha doorashadu ka qabsoomayso

Guddida Doorashooyinka oo Golaha wakiiladu waydiiyay waxa uga qorshayn meelo laga yaabo inaan amnigiisu fiicnayn waxay sheegeen inay qorshe ka leeyihiin “Waxyaabaha aanu arrintaas ka qorshaysanay waxaa ka mid ah inaanu iskugu yeedhay guddi heer qaran ah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Militariga iyo Booliska, kuwaas oo aanu isla soo qaadnay sidii aanu u qiimayn lahayn xaaladdaha amaan ee Gobolada iyo Degmooyinka, Degmooyinka inagu cusub waxaa ka mid ah Laasqoray iyo Taleex. Waxaanu wadnaa in arrintaasi laga dhigo mid heer qaran ah oo wacyi galin xoog badan ay ku baxdo. Waxaanu la xidhiidhnay Madaxdhaqameedka Gobolada Bari, waxaanu la xidhiidhnay dadka kale ee Magaca leh iyo taliyeyaasha Ciidamada ee aaggaasi oo aanu ka wada shaqaynayno sidii Meelahaas doorashadu uga dhici lahayd” ayuu yidhi Afhayeenka Koomishanka Siciid Cali Muuse.

Gudoomiyaha oo isna arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Intaas uu sheegay Mudane Siciid Cali Muuse, waxaan ku darayaa Degmada Laasqoray iyo Taleex ba way inagu soo kordheen, Guddida heer qaran ee aanu samaynayna waxaa ka mid ah Saddexda Xisbi Qaran,waanu israaci doonaa dhawaan ayaanu socdaal ku tagaynaa qiimayn wanaagsan ayaanu ku soo samayn doonaa”

Qorshaha Guddidu soo jeedisay ayaa la filayaa in Madaxweynuhu Guurtida sidaasi ugu gudbiyo balse waxaa jirta cabsi ah in muddo 2 sannadood ah Guurtidu u kordhiso Xukumadda iyo Wakiilada.

Asxaabta Qaranka ee doorashadu khusayso ayaa soo dhaweeyay qorshahan Komishanku soo bandhigay, balse Mudaneyaal kuwa Muxaafadka ah oo Komishanka su’aalo waydiiyay ayaa ku dooday inaan Komishanku sharci u lahayn cayimida wakhtiga doorashada balse ay tahay arrin guurtida u taala.

Guddida doorashadu waxay sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ay xalay u gudbiyeen Qoraalka ay kula socodsiiyeen inay doorashada ku qaban karaan ugu dambeyn 1-da june ee sanadka dambe, maadaama aanay doorashadii 26-ka June 2015 ku mudaysnayd qabsoomi wayday.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here