Gorfayn La”aanta Mucaaradka + Gaabiska Komishanka Doorashooyinka Iyo Go”anka Maxkamada Sare Ee Dacwada Xisbiga Ucid Waa Sadexda Caqabadood Ee Hor Yaala Qabsoomida Doorashada Madaxwaynaha

0
830

Hargeysa, (HargeisaPress) —Goormay Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayaan Tirada Codbixiyaha Gobolada iyo Dagmooyinka ee isku diiwaan galiyay in uu codeeyo ? Imisa Maalmood Imisa Bilood ayay qaadanaysaa hawsha baaxada leh ee Komishanka Doorashooyinka hor taala ee badalka Waraaqaha Codbixiyaha ee hore loo siiyay loogu badalayo Kaadhka Rasmiga ah ee Codbixiyaha ? Rajo intee leeg ayaad Muwaadin ka qabtaa in Mudo Lixdan Maalmooda Xisbiga Ucid xal ka gaadho khilaafyada Ragaadiyay ?

 

Hadii Xisbiga Ucid xal ka gaadhi waayo Doorashada Madaxwaynuhu may u dabranaan doontaa intuu soo kabanayo ? Mise Labada Xisbi ee Wadani iyo Kulmiye ayaa Doorashada Madaxwaynaha ku kaliyaysanaya oo ku tartamaya  ?

Dhulkana bidixlaa ku nool

Waxaa jira been awaas

Iblayskuna waa bakhayl

Bahdiisuna waa yiciis

Balway ku hor qaadayaan

Bustay kugu laabayaan

Wadkay balag saarayaan

Haday buro kaa helaan

Waxay kugu badhi furan

Dharaaraha baane jiro

Balaayana way gudaa

Bariisana  way dhacdaa

Hadaan laga sii badqabin

Waxaad ku baraarugtaa

Beentaadu runtay necbayd

Maansadii { Aduunyadu Waa Besteed } Ee Abwaan Maxamad Ibraahin Warsame Hadraawi  20/6/1997

 

Waqtigu wuu is gurayaa waana gabaabsi iyadoo mudo kordhintii Madaxwayne Siiraanyo u hadheen Shan Bilood oo kaliya waxaa sida  Dayax Shan iyo Tobnaadka u muuqata  Xeelada Madaxwayne Siiraanyo oo lagu tilmaami karo Maahmaahda   Soomaliyeed ee odhanaysa ( Ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco) sidoo kale waxaa sida Dayaxa oo Shan iyo Tobnaadka  u muuqata Sadex Caqabadood oo dhabada u xaadhaya Mudo kordhinta Labaad ee Madaxwayne Siiraanyo.

 

Waagii baryaaba waayo lehe Xafladii 26/9/2016 loo qabtay  gunaanadka  dhamaadka wajigii koowaad ee Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha waxay banaanka soo dhigtay  Gorfayn la”aanta Mucaaradka iyo mooganaanta ay moogan yihiin qabyada badan iyo  hawsha baaxada leh ee u  dhiman dhamaystirka  Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha oo la“aanteed Doorashada Madaxtooyadu aanay qabsoomayn iyadoo waqtiga loo cayimay Doorashada Madaxtooyada ay Shann Bilood ka hadheen.

 

Waxaana hubaala in Doorashada Madaxwaynaha horyaalaan Sadex Caqabadood oo ayna suurto gal ahayn in lagu dhameeyo Mudada Shanta Bilood ah ee Doorashada ka hadhay iyadoo Sadexda Caqabadood  dhabada u xaadhayaan in mudo kordhin Labaad Madaxwayne Siiraanyo loo sameeyo  waxaana  iswaydiin mudan  Goormaa  Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayaan Tirada Codadka ee Gobolada iyo Dagmooyinka isku Diiwaan Galisay in ay Codeeyaan ? Goormaa la bilaabayaa in Cod bixiyayaasha la siiyo Kaadhkii Lafta ahaa ee Codbixiyaha ? Waqti intee leeg ayay qaadanaysaa Hawsha Baaxada leh ee Badalka Waraaqihii hore loo siiyay Codbixiyaha loogu badalayo Kaadhka rasmiga ee Codbixiyaha  ? Ma muuqataa Rajo laga qabo in Xisbiga Ucid Lixdan Maalmood Gudahood ku soo gunaanadi doono khilaafyada ragaadiyay? Hadii  Xisbiga Ucid ku guul daraysto in uu xaliyo khilaafyada Ragaadiyay Doorashada Madaxatooyadu ma Xisbiga Ucid ayay u dabranaan doontaa ? Ma labada Xisbi ee Wadani iyo Kulmiye ayaa Doorashada Madawaynaha ku tartami doona ?  Mise Doorashada Madaxwaynuhu waxay u dabranaan doontaa inta Xisbiga ka soo Kabanayo khilaafyada ragaadiyay mudo kasta ha gaadhee ?  Gorfaynta Qalin maalka iyo Aqoonyahanka Saadaasha ku xeel dheeri waxay tilmaamayaan in Sadexdan Caqabadood ay bud dhig u noqon doonaan .

 

1: Ku dhawaaqida Komishanka Doorashooyinka ee Tirada Rasmiga ah ee Codbixiyaha ee Gobolada Iyo Dagmooyinka oo ay ka dhalan doonaan Gorgortan hor leh oo saami qaybsigii Golaha Wakiilada la mid ku dhawaan doona .

2: hawsha badalka Waraaqaha Codbixiyaha hore loo siiyay oo qaadanaysa Waqti ka badan Shanta Bilood ee ka hadhsan mudada loo cayimay Doorashada Madaxwaynaha .

3: Khilaafkan ragaadiyay Xisbiga Ucid ayaa noqonaya dabarka u wayn ee ku xidhan iyadoo Sadexdii Xisbi ee Distoorku dhigayay in ay ka qayb qaataan Tartanka Doorashada Madaxwaynaha uu Xisbiga Ucid Qarka U Saaran Yahay In Uu Burburo.

Waxaan Qormadan ku soo Afmeerayaa Akhriste Maansadii Gaariye ALLE Ha U Naxariistee

Hagar laawe ii gali buuga

Halistaa in aan ka feeftay

Walina ay hawli iga gaadhay.

 

FIKRADAADA KA SOO DHIIBO ADIGOO SOBOBAYNAYA SI AY KUUGU MARAG FURTO AMA KUU QALADO WAA BARRITO IYO BILL DANBE

SIYAASADA MAANTA IYO SAADAASHA BARRI

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here