Ogaysiis ku Socda Jaaliyada Somaliland ee reer Bristol. UK

0
1073

Jaaliyada reer Bristol ee Dalka UK oo ah Hormuudka Jaaliyadaha Somaliland ayaa si weyn ugu diyaar garowday soo Dhawaynta Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdiga la socda ee booqan doona Dalka UK.

 

Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol ku dhaqan oo Magac iyo Maamuusba ku leh Ummada reer Somaliland kaalin laxaad lehna ka qaata Horumarka Dalka iyo Ololaha Aqoonsi Raadinta ayaa si weyn isu diyaarisay inay wafdiga soo dhaweeyaan.

 

Hadaba waxaa la ogaysiinayaa Xubnaha Jaaliyada in loo diyaariyay Basaskii la raaci lahaa, waxaanan Basasku ay Bristol ka bixi doonaan Maalinta Axada ee Taariikhdu ay tahay 02/10/16, saacaduna 9ka Subaxnimo.

 

Basasku waxay ka bixi doonaan Xaafada Easton, gaar ahaan dariiqa St, Gabriel Road. Easton. Bristol. Wixii Faahfaahin ah kala xidhiidh Gudida Qaban-qaabada oo kala ah:
Telephone ?1) 07795431216 Axmed Cadaaley,Axmed Aadan Mooge telephone ? 07802812453

Waad Mahadsan tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here