Golaha Wakiillada Somaliland oo Yeeshay Fadhigoodii Koowaad

0
1112

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirguddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo doortay golahaasi, ayaa saaka yeeshay kal-fadhigoodii koowaad.

Fadhigan, ayaa waxaa saaka shirguddoominaayay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay hareero fadhiyaan labadiisa Guddoomiye ku xigeen.

Fadhigan, saaka ayaa ahaa mid goluhu uu ku dooranaayay guddi Xildhibaano ah oo  ka soo shaqeysa sameynta xeer hoosaadka golahaasi yeelan doono.

Waxaana fadhiga lagaga hadlayay xubnaha guddida dib u eegista xeer hoosaadka golaha iyo in xoghaynta goluhu ay ku wareejiso mudanayaasha cusub dhokomantiyo iyo agab loogu talo’galay inay noqdaan hagayaasha shaqooyinka horyaalla Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada.

Sidoo kale, bilowgii fadhigan waxaa khudbad is lab xaadhasho iyo dardaaran ah Xildhibaanada u jeediyey Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Guddoomiyaha, ayaa alle ka baryay inuu golahan cusub ka dhigo mid dadka iyo dalka wax ku soo kordhiya islamarkaana halkii kasii ambaqaada shaqooyinkii uu soo qabtay golihii kan ka horreeyay, isagoo ugu baaqay mudanayaasha cusub inay isku taxaluujiyaan sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxay ka filayaan dadkii codkooda siiyay ee soo doortay.

Dhanka kale, Guddoomiye Khaliif waxa uu sheegay in mudanayaasha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland laga rabo xilgudasho badan, waxaana uu intaas raaciyay inay dedejin doonaan shaqada golaha wakiillada, iyadoo lagu bilaabi doono ayuu yidhi shaqada xeerarka kasoo noqday golaha guurtida ee u baahan in la horkeeno ee golaha wakiillada.

Waxaanu Gabagebadii Guddomiyuhu ka codsaday Xildhibaanada gole weynaha wada shaqeyn iyo in mid laga wada noqdo danta guud ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here