Madaxweyne Biixi oo Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeeyay Curashada Sanadka Cusub Ee Hijriga

0
1361

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo iyo duco u diray dhammaan shucuubta islaamka ah gaar ahaan shacbiga Somaliland, munaasibadda curashada sannadka cusub ee islaamka awgeed.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:–

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu munaasibadda curashada sannadka cusub ee islaamka ee 1443-ka Hijriyada awgii uu hanblayo, bogaadin iyo ducaba u diraya guud ahaan shucuubta Islaamka gaar ahaan shacbiga Somaliland meel ay joogaanba.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa u hanbalyo taa la mid ah u dirayaa waddamaada iyo shucuubta muslimiint ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan maalita berri ah oo Isiniin ah. Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash, badhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimmatayna uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu shucuubta Islaamka u rajaynayaa in sannadka cusub uu ula kawsado nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here