Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyada 2019

0
892

Hargeysa, (HargeisaPress) —F adhigii 30aad ee kal-fadhiga 38aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax  Kana soo qayb galeen 60 xildhibaan ayaa cod loogu qaaday odoroska miisaaniyada 2019. ka dib markii Gudoomiyuhu furay shirka qiraankiina la akhriyey Waxa gudoomiyuhu u qaaday Cod  Odoroska Miisaaniyada 2019  oo ay la socoto lifaaqa Gudida dhaqaalaha.

Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan

Waxa Diiday:  12 xildhibaan

Waxa ka Aamusay 1 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin

Sidaas ayayayna ku ansaxday odoroska Miisaaniyada Qaranka + wax ka bedelkii Gudida dhaqalaha ee golaha wakiilada Somaliland waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay in uu goluhu galay 2 bilood oo fasax kana bilaabanta 30 December 2018.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQALKA WARKA

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here