Golaha Wakiilada Somaliland Ma Golihii Doofada Ayay Noqon, Mise Gole Wax Saxa,!!!!?

0
884
Mawliid Ahmed Jibriil

Xukumadu Waxay Heshiiskii Dekada Ee Shirkada Dp Word U Gudbisay Golaha Wakiilada.Golaha Wakiilada Waxan Kula Talinayaa Heshiiska Hoos U Eega Oo Khuboro La Kaashada Aqoon U Leh.

 

Golaha Wakiilada Waxan Leeyahay,Alafkaa Ka Qaloocday, Albaqra Ayuu Ku Dhibaa, Ee Heshiiska Dano Gaara Ka Hormariya Danta Guud Maadaama Heshiisku 30 Sano Yahay,Marka Hore Soo Dhaweeya Heshiiska Oo Cilmi Iyo Caqli Wanaagsan Ku Lafa Gura, Laakiin Hadad Maxan Cunayaa Tidhaa? Oo Calooshu Ku Shaqayso.

 

Ogaw Waxad Cuntay Caruurtada Iyo Caruurta Ay Dhalaan Aayahodii Oo Magac Xumo Calool Xumo Iyo Cudur Lagugu Xusi Doono Raga Golaha Maanta Fadhiya Ee Heshiiska Saxeexaya.

 

Hadad Heshiiska Aad Iyo Aad U Laf Gurtan Oo Haduu Sax Yahay, Haduu Wax Ka Dhiman Yahay Iyo Haday Wax Dheeryihiin Aad Dhamaystirtaan Ayaa Laydinka Rabaa.

 

Si Golaha Raga Maanta Fadhiya Caruurtoda Iyo Caruurta Ay Dhalaan Magac Oga Tagaan Ciso Iyo Sharaf Bulshada Ay Ku Dhexlahan Doonaan Mustaqbalka.

 

Xildhiban Cudur Iyo Caafimaad Labadaa Mid Uun Baa Lagugu Xusuusan Doona Waxad Ansixiso.

Xildhibaan Caloosha Hadad Kirayso Mustaqbalka Raga Hada Golaha Fadhiya Marka Wax Laga Qori Doono Waxa Loo Bixindoonaa Golaha Doofaarada Ee Dolarka Dadka Iyo Dalka Dhaafsaday Ee Cuqdada Oga Tegay Caruurta Mustaqbalkooda.

 

(Ilahaw Labo Talaba Tii Roon Nagu Hagaaji.)

Akhrisde Heshiiska La Ansixinayaa Waa Aayahagii Iyo Aayihii Obadkaga Ee Haka Aamusin Ee Fikradada Ku Darso Maanta Waxba Lama Ansixin Intad Hadhaw Qoomamayn Lahayd.

 

Hooyada Wixii U Dana Ayaa Ilmahana U Dana, Ee Qof Jaclaysi Iyo Dan Jaclaysi Maanta Ma Taagna Ee Dantaydu Waa Dantada Hadad Fahanto.

 

ALAA MAHADLEH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here