Golaha Wadatashiga Soomaaliya oo Isku Raacay Arin La Xidhiidha Somaliland

0
1406
golaha-wadatashiga-soomaaliya-oo-isku-raacay-arin-la-xidhiidha-somaliland

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho shir ku lahaa, ayaa soo saaray War-murtiyeed ku aadan qoddobada ay isla meel-dhigeen, iyaga oo sidoo kale isku raacay arrin xaasaasi ah oo la xidhiidha Somaliland.

Shirka, ayaa waxaa guddoomiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug, Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Sidoo kale, Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, ayaa shirkooda ku soo qaaday wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo goluhu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana rajo wanaagsan ka muujiyay in horumar laga sameyn doono wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo dowladda federaalka iyo Soomaaliya.

Qodobada la isku afgartay ayaa u dhignaa sidan:-

1.Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii hore lagaga gaadhay dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

2.Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

3.Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

4.Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.

5.Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

6.Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

7.Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliya.

Sikastaba, arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu hore u sheegay in wadahaladadii Somaliland iyo Soomaaliya ay guul darreysteen oo ay dhanka dowlada federaalka Soomaaliya ka socon waayeen, isla markaana aan rajo laga qabin in guul laga gaadho.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay muujisay in anay haba yaraatee wax xiiso ah u haynin wadahadalo midho dhala mudadii ay wadahadaladu socdeen.

Waxaa uu sheegay in dowlada Soomaaliya, ay halkii ay ka horumarin lahayd wadahadalada ay isticmaaashay, siyaasad lagu wax yeelaynayo Somaliland .

Madaxweynaha, ayaa sheegay in intii ay wadahadaladu socdeen ay dowlada Soomaaliya ku guuldaraysatay in ay ixtiraamto, heshiisyadii shirkii London oo ahaa in loo wadahadlo sidii laba dowladood oo siman, isla markaana aanay qodobkaa marnaba dib u eegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here