Golaha Guurtida oo Gudiyo U Saaray Xeerka Furista Ururada Siyaasada

0
1461

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta Gudiyo u saaray xeerarka kala ah xeerka Liisamada Ganacsiga, Xeerka Furista Ururada Siyaasada iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda.

Xildhibaanada golaha Guurtida oo yeeshay fadhi uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudiyada kala duwan ee loo xulay ka soo tala bixinta xeerarkaasi ku wargeliyay in ay ku soo dhamaystiraan xeerarkaasi inta ka horaysa maalinta Axda ah ee todobaadka soo socda dibna ugu soo celiyaan golaha.

Sidoo kale, Xildhibaanad kala ah Maxamud Xareed Rooble iyo Xildhibaan Axmed Cali Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida, ayaa ka hadlay shilalka gaadiidka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kalena ka hadlay Gaadiidka Tigaha loo yaqaano ee ka shaqeeya magaalooyinka Burco iyo Boorama kuwaasi oo ay sheegeen in ay khasaare dhanka shilalka ah ku hayaan magaalooyinkaasi.

Xildhibaanada, ayaa sidoo kalena sheegay in qaar ka mid ah gaadiidka yaryar ee loo yaqaano Fitista ee ka dhex shaqeeya magaaladda Hargeysa qaar ka mid ahi ay ka qayb qaataan arrimo aan ku fiicnayan dhaqanka suuban loona baahanayahay in wax laga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here