Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Oo Ka Warbixiyay Dhoofka Xoolaha Nool

0
710

Hargaysa(HP): Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka waramay xaaladda dhoofka xoolaha Somaliland.

Waxaanu sheegay in caafimaadka guud ee xooluhu uu fiican yahay marka laga reebo Xanuuna Guuxa lagu magacaabo ooh adda laga daweeyay Geela, sidoo inay xooluhu haystaan Baad iyo Biyo ku filan.

Siciid Sulub, ayaa intaa ku daray Sucuudigu uu iska joojiyay guud ahaan xoolahii ugu imanayay dalalka adduunka oo ay ku jirto Somaliland iyagoo ka taxadaraya caafimaadkooda madama uu jiro xanuunka Coronavirus kaas oo sababay Sucuudigu joojoiyo xujeydii ka imanaysay daafaha adduunka.

Wasiirka xanaanada xoolaha oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa kaloo uu xusay  in xoolaha Somaliland dhiifin jirtay  loo joojiyay xanuunka covid-19 ee aan loo joojin caafimaadka dhanka xoolaha laftooda.

 

LEAVE A REPLY