Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland oo Si Weyn Looga Ciiday

0
754

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa guud ahaan saaka Gobollada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, laga oogay tukashada salaada Ciidul Fidri ,iyada oo goobaha garoomada ah ay isugu soo baxeen shacabka kala duwan ee caasimaddaha goboladda dalka iyo degmooyinka hoos yimaadaaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal-fidriga oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo badiba dalalka kale ee Islaamka.

Madaxweynaha oo tukashada salaadda kala qaybgalay boqollaal qof oo ku tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo duco iyo colaadda magaalada Laascaanood oo uu baaq cusub ka diray.

Sidoo kale, waxaa kala qayb galay shacabka gobolada iyo Degmooyinkaasi tukashada Salaada Ciidul Fidriga Maamulada heer gobol, heer degmo iyo Mas’uuliyiin kale.

Goboladdan iyo degmooyinka hoos yimaada, ayaa salaada ciida looga tukaday si nabadgelyo ah, waxaana shacab weynaha goboladaas iyo degmooyinkaas khudbado u jeediyey culimo awdiinka goboladdaas, iyaga oo ku booriyey in aanay joojin acmaashii ay soo samaynayeen bishii Barakaysnayd ee Ramadan oo ay joogteeyaan.

Maamuladda goboladda Togdheer, Sanaag, Saaxil, Awdal, Saraar, Daad-Madheedh, Hawd, Selal, Xaysimo, Badhan, Buuhoodle, Gebiley iyo degmooyinkooda, ayaa ku hambalyeeyey shacabka goboladdaas iyo degmooyinkaas munaasibada ciidal Fidriga awgeed, iyaga oo kula dardaarmay in ay nabadgelyadda ilaaliyaan.

Dhinaca kale, waxaa saxmad ahaa saaka wadooyinka magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, iyadoona ay caruur ay waalidkood gacanta hayaan ay soo buuxdhaafiyeen kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha lagu ciyaaro ee loo tamashle tago oo sidii ciidooyinkii hore u furan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here