Gobalada Faafan iyo Awdal Oo Iska Kaashanaya Xoojinta Nabadgeliyadda

0
1449

Borama (HP): Waxaa maanta magaaladda Boorame ka qabsoonay kulan looga wada hadlayay sidii loo xoojin lahaa nabadgaliyada iyo daris wanaaga gobolada Awdal iyo Faafan ee Itoobiya.

Kadib markii doraad ay booqasho ku yimaadeen Boorama wefti ka socday gobolka Faafan ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana shirkan lagaga wada hadlayo iskaashiga gobolada Faafan iyo Awdal, gaar ahaaan ka wada shaqaynta arrimaha nabad galayada, la isku af-gartay in saddexdii biloodba hal mar la qabto.

Sidoo kale shirkani qodobada lagaga wada hadlay waxaa ugu waa weynaa, ilaalinta nabadgeliyadda, ka hortaga hubka sharcidaradda ah, ganacsiga sharci-daradda ah iyo xakamaynta tahriibka.

Gudoomiyaha gobolka Faafan Cabdixakiin Sheekh Xasan, ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qodobada ugu waa weyn ee shirkani lagaga wada hadlay.

Waxaanu yidhi “Shirkan aanu ku galnay magaaladda Boorama, waxaa uu ku saabsanaa dhinaca nabadgeliyada gobolka Faafan ee DDS, iyo gobolka Awdal ee Somaliland.

Waxaanay u jeedadiisu ahayd sidii labada gobol ay nabadgeliyada uga wada shaqayn lahaayeen, iyo ka hortaga hubka sharcidaradda ah, ganacsiga sharcidaradda ah, tahriibka iyo guud ahaanba daris wanaaga in la sii xoojiyo wada shaqaynta degmooyinka jaarka ah iyo labada gobol-ba”.

“Marka shirkani waa mid bille ah, kaasoo hal mar la qabto. Kan kii xigayna waxaa lagu qabtay degmadda Awbare, oo labada dhinacba ay ka soo wada qayb galleon.
Marka shirkani waa shir aad mihiim u ah maadama oo xad dheer Somaliland aanu waddaagno, waana shir labada gobol-ba mihiim u ah in laga wada shaqeeyo”ayuu yidhi guddoomiyaha Faafan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Haddii ay tahay isu-socodka labada bulsho, haddii wada noolaan shiyaha ay tahay, si sharciya in arrimaha bulshadda iyo horumarkaba looga wada shaqeeyo, isla markaana ku qiimeynaynay mudadii bisha ahayd wixii labada dhinacba u qabsoomay.
Waxyaabaha gol-daloolooyinkii jirayna sidii loo sixi lahaa si fiican, mustaqbalka-na waxsanu rajeynaysa in shirkani sii socdo, labada dhinacba xagga nabadgeliyada iyo dhanka ganacsiga iyo isu-socodka intaba in laga wada shaqeeyo”.

Geesta kale duqa Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo isna markii shirkaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay isla meel dhigeen in saddexdii biloodba hal mar la qabto shirkan oo kale.

Waxaanu yidhi, “Kulankan arrinta saldhiga u ahayd waa nabadgeliyada iyo xoojinta isku xidhnaanta yaraynta Tahriibta, waxaasi oo dhammi waa waxyaabaha aanu doonayno in aanu ka wada shaqayno, laamaha amnigu-na sida ay u qaybsan yihiin hawlaheeda.

Iyaddoo fushanaysa waxay ka shaqaynayaan waa amniga, markii hore waxaa uu ahaa bille. Markaa markii aanu guulo ka gaadhnay waxay noqotay in aanu balaadhino. Waanan isla garanay in saddexdii biloodba hal mar la qabto”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here