Gabiley: Maayar Madhan Oo Xill Gudasho Ka Madhan Waxuu Dhalaa Xafiisyo Madhan Iyo Mas”uuliyiin Ka Maqan

0
2021
Maayarka Dagmada Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi

Hargeysa,(HargeisaPress) — Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi  Waxaa Taariikh Xumo Ugu filan In Uu daawado  Dugsigii Qalax Ama Timacade Ee Aqoonta Mansabkan Ku Gaadhay Ku Soo baratay Oo Daad Qaadayo.

Waa qalin muddo badan u jeelanaa in uu jaleeco Jahowareerka iyo Maamul Xumada ku habsatay Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley , Jawiguna waa mid adag jihada Geediga u socdaana waa mid aan la garanayn, Xaalada Gabiley ku jirtaana waa mid lagu tilmaami karo jaantaa rogan, mar kale waa weedho aan ku jiheeyay Maayar safar Joogto ah ku jira,Maayar waqti kasta Xafiiskiisa ka maqan, Maayar jaraynta Baabuurta caan ku ah aadna u jecel ,Maayar Awoodiisu gaadhay in uu Shacabka Gobolka Gabiley ku jeesjeeso kala qaybiyana, Maayar Jinni Boqora Musuqmaasuqa ku caano maalay, Maayar caadaystay in uu maalin kasta Jabaqda iyo Shanqadhaha Madaxda ka Sareeya soo dhagayto si uu u Raali galiyo, Maayar gabi ahaanba ka jeestay Xillkii ay u igmadeen Golaha Deegaanka Gabiley,Shaqada Maayarku hayaana waa mid aan la garanayo, waxaanu Geedka ka jirayaa Jidkuu Jaranjarada Siyaasada ka fuuli lahaa kuna Gaadhi lahaa Wasiir iyo Wax ka sareeya ,isagoo Jibada uu u hayo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi  in ay Dacwadiisii u gudubto Maxkamada Sare isagoo Maayar Maxamad Cumar Cabdi si badheedh ah uga baxo Xisbigii Ucid ee ka soo baxay islamarkaana jabiyay Xeer Lr 14/2011 ka dib markuu Maayar Maxamad Cumar Cabdi Xaflad wayn loogu qabtay Magaalada Hargaysa Hutel Maansoor 6/2/2017  ku shaaciyay in uu ka baxay  Xisbigii Ucid isagoo jabiyay Qodobka 11 aad Faqradiisa 4 ee Xeer Lr 14/2011 .

Qodobka 11aad: Musharixiinta u Tartamaysa Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka.

4:Mar kasta oo la furayo tartanka ururada siyaasada ee G/Degaanka lix bilood ka hor, muddanaha ka tirsan Golaha Wakiilada ama Golayaasha Degaanka waxaa u bannan inuu furan karo Urur siyaasaded oo cusub ama uu ku biiri karo urur/xisbi siyaasadeed ee uu doono.

Shabakadda HargeisaPress oo Qormadan diirada ku saaraya mid ka mid ah Murashaxiintii Golaha Deegaanka ee loo hanwaynaa” waa Maayarka Dagmada Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi oo nasiibkiisa ka mid noqday Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo Bulshada Gabiley si wada jir ah u soo doorteen  dadka Aqoonta gaara u lehna ay ku tilmaamaan Maayar Maxamad Amiin in uu ka mid ahaa Dhalinyarada dhawrsoon ee Akhlaaqda Wanaagsan iyo Cibaadada lagu yaqaano kana shaqayn jiray danta guud waxaase xusid mudan in markii Golaha Deegaanka loo doortay laga arkay dabeecado aan hore looga baran iyadoo uu la soo baxay Damac Qaawan  iyo Kursi Jacaylka oo madax maray dhacdadan oo  lagu tilmaamay mid ka turjumaysa Shaqsiyadiisa Dhabta ah iyo Hamuunta uu u qabay in uu ku takri falo Hantida Umada iyadoo Dadwaynaha Gabiley  la garab joogeen taageero baaxadle oo ka dhigtay in uu  noqdo Hogaamiyaha Xildhibaanada Isbadal doonka ah ee Golaha Deegaanka Gabiley.

Balse Nasiib daro waxay  Doorashadani noqotay mid banaanka soo dhigta Shaqsiyaad badan oo loo hanwaynaa islamarkaana ay Bulshadu Maanta Quus ka joogto in ay Isbadal Dhaqan Dhaqaale iyo Horomar ay ku Talaabsadaan Dhalinyartii Aqoonyahanka ahayd ee loo Doortay Xilldhibaanada iyo Maayarada ama Gudoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka Dalka.

Iyadoo Maalinba Maalinta ka danbaysa uu ku dhaqaaqayo Talaabooyin ay Dadwaynuhu ku jaho wareeraan iyadoo Tusaale u soo qaadan karno faro galinta qaawan ee ay ku hayo adeegyada Biyaha iyo Caafimaadka ee hortii  shaqaynayay islamarkaana hoos taga Wasaaradaha kale ee dalka sida Wasaarada Biyaha iyo Wasaarada Caafimaadka oo Nolosha Aadamaha Aasaaska u ah iyadoo Aafada Musuqmaasuqa ee dabarka goosatay iyo ku Takri Falka hantida Umada ee la Xalaashaday ka dib markii ay arkeen in Hay”adii Hanti dhawrku noqotay mid Hawlgaba oo gabi ahaanba aan shaqayn.

Waxaana Beenowday Rajadii lagu soo Doortay Maayar Maxamad Amiin Cumar Cabdi islamarkaana noqday Maayarkii ugu Maamulka xumaa ee soo mara Dagmada Gabiley ka dib markuu ka talo qaatay Khabiir ku xeel dheer Musuqmaasuqa oo Shan Maayar la soo shaqeeyay  Xoghayaha Dawlada Hoose Cabdi Raxmaan Nuur Abokor oo Dawladii Hoose ee Gabiley ku noqday Maahmaahda Odhanaysa  ( Xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan )

Iyadoo Shaqsiyaadka sida joogtada ah ula socda shaqo maalmeedka Maayarku ay ka marag kacayaan in markii loo doortayba Maxamad Amiin Cumar Cabdi  uu cagta saaray jidkii guul darada ka dib markuu ka Talo qaatay koox Ganacsato ah oo dhabada u xaadha Musuqmaasuqa ragaadiyay Dagmada Gabiley Ganacsatadan oo ah Raga Maamula Shirkada Biyaha Samsam ee Magaalada Gabiley isagoo  gabi ahaanba dhagaysan  waayay Talooyinka Xilldhibaanadii  soo doortay ee  isbadal doonka ahaa wxaana Hubaala in uu bar madaw ku dhuftay Kalsoonidii Dadwaynuhu ku qabeen in Isbadal Dhaqan Dhaqaale oo la taaban karo ay ku talaabsan doonaan Aqoonyahanka Dhalinyarta ah ee loo doortay Maayarada Magaalooyinka waawayn ee Dalka Somaliland balse nasiib darro waxaa beenawday rajadii Dadwaynaha Gabiley ku qabeen Maayarka Gabiley iyo in laga arko waxqabad muuqda.

Ugu danbayn waxay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gabiley isha si gaara ugu hayaan Safarada Joogtada ah ee uu Hargaysa ku tagayo,Takri falka Dakhliga Dawlada Hoose soo gala iyo Aafada Musuqmaasuqa ee Dabarka Goosatay iyo Lacagaha Xad dhaafka ah ee ku baxaysa soo dhawaynta Murashaxa uu Taageersanyahay, anigoo Qoraalkayga ku gabagabaynaya waxaa Taariikh Xumo kuugu filan in aad dawaato Dugsigii Qalax ama Timacade ee aad wax ku soo baratay oo Daad Qaadayo .

La soco Qaybta danbe

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here