GABILEY: Daadad Xoogan Oo Caawa Ka socda Dooxa Arabsiyo Ayaa Qaaday Gaadhi Bas Ah Oo Ay Leyihiin Shirkada Bari Ilaa Galbed iyo gaadhi Dhayne ah Oo sida Bagaash

0
1440
Daawo khatarta Dooxa Magalada Arabsiyo ku hayo isu socodka
Daawo khatarta Dooxa Magalada Arabsiyo ku hayo isu socodka

Gabiley,(HargeisaPress) — Daadad Xoogan Oo Fiidkii Caawa Ka socda Dooxa Magaalada Arabsiyo Ayaa Qaaday Gaadhi Basah Oo Ay Leyihiin Shirkada Loo yaqano Socdalka Bari Ilaa Galbed iyo Qaadhi Dhayne ah Oo sida Bagaash iyo Bushcarado kala Duwan Iyadoo Ay Dadkii Saarna Gaadid kaasi Laga soo Badbadiyay Daadadkasi Balse Uu Wali Ku Jiro Gaadhiga Baska ah Ee ay Leyihiin Shirkada Loo yaqano Socdalka Bari Ilaa Galbed Waxana Sidaasi HargeisaPress.com, U Xaqiijiyay Mid Kamdi Dirawaliintii Iyagu Watay Gaadiidka Kale Ee Iyagu Ka istaagay Waxanu Dirawalkaasi Intaasi Ku Daray In ay Sabab Utahay In ay Gaadidku Si Dhibyar ugalan Dooxa Oo Ay Dhextaalo Camuud Badan Oo ay Waten Daadadka soo Mara Dooxa Arabsiyo Waxanu Dhaliilo Dusha Uga Tuuray Maamulka Heer Gobol Iyo Heer Dagmo Ee Gabiley Iyo Maamulka Dagmada Arabsiyo Oo aan Warba Ka Haynin Dhibaatoyinka Ka Jira Dooxa Arabsiyo Oo Maalmihii Ugu Danbeyay Khasaaro Kala Duwan Ugaystay Gaadiidlayda Iskaga Kala Goosha Gobolkada Bariga iyo Galbedka Somaliland Isku Soo Wada Duubo Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Dooxani Uu Qaado Gaadiid Islamarkaasina Uu Khasaare Naf Iyo Maalba ah Soo Gadhsiiyo Gaadiidka Iyo Dadka Rakabka Ah Ee Saaran Gaadidka Kala Duwan Ee Mara Wadada Halbawlaha U ah Isku Socodka Galbedka Iyo Bariga Gobolkada Somaliland Dhawaan ayay Ahayd Markii ay Soo If Baxaysay Warar sheegaya In Uu Mayarka Gabiley is hortaagay Cagafii Dooxa Arabsiyo ka qaadi lahayd Camuuda ay dhigeen Daadku Waxayna U Dhignayd sidan Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa is hortaagay Cagaf uu soo diray Xoghayaha Fulinta dawlaha hoose ee Gabiley xili ay cagaftaasi kasoo amababaxday dhanka Gabiley una soo jeeday dhanka magaalada Arabsiyo xili uu maayarku uu ku maqnaa magaalada Hargaysa .

Hadaba ila xogogaal ah oo u xaqiijiyey Shabakada HargeisaPress.com, ayaa sheegay in Maayar Shucayb amar ku bixiyey in Cagaftaas dib loogu celiyo Magaalada Gabiley kuna goodiyey in cagaftaas isagu ka masuul yahay Xoghayana amar ku siiyey in cagaftaas aan haba yaraate aan wax camuud ah ka qaadi karin dooxa magaalada Arabsiyo, xili dooxa magaaladaasi gabi ahaanba isu socodka uu xani bay baabuur badana dhex hawaarto dooxaas , su aashu waxay tahay Maayarku halkeebuu ka qaniinay magaalada Arabsiyo maxaase keenay in awaamiirtaas qaawan ee uu ku iloobay dantii guud maxaa ka danbeeyey? ila ka agdhow Mayarka oo ka gaabsaday magacooga ayaa u xaqiijiyey Shabakada HargeisaPress intalabaadani uu ku kacay Mayarku kulug leedahay khilaaf ba an ee ka dhex oogan Xildhibaanada golha degaanka ee Gabiley iyo Maayarka .

iyadoo Xildhibaanada ka soo baxay Degmada Arabsiyo ay kamid yihiin xildhibaanada saluuga wayn ka muujiyey qaabka iyo hanaanka uu uhagayo mayarku golaha degaanka dhacdadani waa mid waji gabax ku ah Maayar shucay saamayn tabana ku lahaan doonto hankiisa siyaasadeed oo kunoqom doonta bar madow oo aan ka hadhi doonin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here