Madaxweyne Obama oo si kulul uga hadlay Falkii Kooxda Daacish ku Gowraceen Wariye Steven Sotloff

0
950
Madaxweyne barack obama
Madaxweyne barack obama

HargeisaPress — Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Barack Obama ayaa si kulul uga hadlay Falkii Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Siiriya iyo Ciraaq ku gowraceen Wariyihii labaad oo u dhashay Mareykanka oo gacanta ugu jiray kooxdaasi.

 

Barack Obama ayaa sheegay in Kooxda Daacish ay fashilmeen marnaba aysan ku argagaxin doonin falalka ay ku kacayaan gaar ahaan Gowraca ay u geesanayaan Wariyaasha kasoo jeeda Dalka Mareykanka ,

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa tilmaamay Falkii Kooxda Daacish ay ku gawraceen suxufi Steven Sotloff ay sii mideyn doonto shacabka Maraykanka ayna wadi doonaan dagaalka ay kala horjeedaan kooxdaasi ilaa ay ka bur buriyaan.

 

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa dhawaan soo bandhigay labo Muuqaal ay ku muujinayaan iyaga oo Gowracaya labo Wariye oo u dhashay Dalka Mareykanka kuwa aay ka qafaasheen gudaha Dalka Siiriya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here