Gaadhi ay Gabadh Iyo Ilmo Yari Wateen Oo Galabta Ku Dhacay Gudaha Hargeysa Iyo Khasaraha Ka Dhashay + SAWIRRO

0
2512

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa goor dhawayd ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa shil baabuur oo sababay khasaare hantiyeed.

Shilkan baabuur ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Hargyeysa gaar ahaana agagaarka hudheelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa.

Gaadhigan dhacay ayaa waxa uu ahaa gawaadhida Raaxada ee loo yaqaan Marki Wan Tan,waxaana gaadhigan dhacay watay sida ay HargeisaPress u xaqiijiyeen goob joogayaal goobta gaadhay gabadh iyo ilmo yar oo ay dhashay,waxaana ay gabadhani ku dagdagaysay madaarka magaalada Hargeysa.

Shilkan baabuur Ayaan sababin wax khasaare nafeed ah marka laga reebo jugo yar oo soo gaadhay gabadha iyo burburka gaadhiga.

Gabagabadiina maalmihii u danbeeyey waxa soo badanayay shilalka baabuur,kuwaas oo sababaya khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here