Wasiir Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Shaqadii Ka Joojiyey Wasiir Ku Xigeenkiisi Iyo Agaasimihii Wasaaradda+Magaca Wasiirka

0
1420
Wasiirka Iyo Agaasimaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno kana helayno ilo wareedyo u dhuun daloola wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa waxay sheegayaan in wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye uu shaqadii iyo saxeexiiba ka joojiyey wasiir ku xigeenkiisii Cabdi Daahir Camuud iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan “Ilkacase”.

Xogo u dhuun daloola wasaaradda ayaa noo sheegay in wasiirku labadan masuul ee uu shaqada ka joojiyey uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo khuseeya sida ay noo sheegeen xoguhu dhanka  shaqada wasaaradda taas oo sababatay in wasiirku shaqada ka joojiyo labadan masuul ee kala ah wasiir ku xigeenkiisi wasaaradda iyo Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Khilaafkan oo la sheegay inuu muddo huursanaa ayaa dabada usoo baxay kadib markii ay isku maadhaafeen arrimo khuseeya shaqada wasaaradda oo uu saluug ka muujiyey wasiirku,waxaana uu shaqada ka joojiyey labadan masuul,isaga oo xoguhu noo tibaaxeen in uu macal ka mamnuucay inay soo galaan gudaha wasaaradda.

Khilaafkan culus ee soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa gaadhay madaxtooyada Somaliland oo gartoodu ka socoto.

Mar aan isku daynay inaan wax ka waydiino khilaafkan iyo shaqo joojintan lagu sameeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuur oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaanay noo suurto galin cilad dhanka telefoonka ah awgeed.

Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkan culus ee soo kala dhex galay masuuliyiintan ee sababay in shaqada si ku meel  gaadh ah looga joojiyo wasiir ku xigeenkii wasaaradda iyo agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY