Faysal Cali Waraabe oo Ka Biyo Diiday Wada-hadalada Beri Uga Furmaya Jabuuti Dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya

0
1889

Hargeisa (Hargeisa Press)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si weyn uga soo horjeestay wadahadalada berito dalka Jabuuti ku dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan la joogin wakhtigii lala hadli lahaa dawladda Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynaha Somaliland keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidaasi waxaa uu ku sheegay waraysi uu siiyay laanta afsoomaliga ee idaacada BBC-da.

“Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali waraabi oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here