Madaxweynaha Jabuuti oo Si Rasmi Ah Uga Hadley Kulanka Berito Dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya

0
1715

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah uga hadlay kulanka la filayo inay berito dalkiisa ku yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Geelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa sheegay in kulanka uu dhici doono berri, islamarkaana uu sidoo kale qeyb ka noqon doono ra’iisal wasaare Itoobiya Abiy Ahmed.

“Berri, waxaan dalka Jabuuti ku guddoomin doonaa kulanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si aan hore ugu sii wado dadaallada dhex-dhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed inuu ka qeyb-galo wada-hadallada,” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada.

 

Si kastaba, warar xogogaal ah oo aanu helayno ayaa sheegaya in wada-hadallada ay dhinac ka riixayso dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Midowga Yurub.

Waxybaaha la filayo in kulanka ay kasoo baxaan ama heshiis lagaga gaadho, ayaa waxaa ka mid ah in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u fasaxdo qeybo ka mid deeqdii beesha caalamka ay usoo marin jirtay Somaliland, oo muddo xayirneyd.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga Qaramada Midoobey James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xidhiidh joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here