Farmaajo Oo La Kulmay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka

0
466

Muqdisho (HP): Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.


Waxaanu cadeeyay madaxweyne Farmaajo sida ay uga go’an tahay dowladdiisa qabsoomidda doorasho daahfuran.

Iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka.


Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

Waxaanu yidhi, “Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here