Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Haayadda DRC Oo Heshiis Wada Saxeexday

0
629

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarunta reer miyiga Somaliland iyo haayada DRC ayaa maanta kala saxeexday heshiis wadda shaqayneed.
Heshiiskaasi ayaa ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo horumarinta nolosha bulshadda reer Miyiga ah ee Somaliland.

Shirkaas waxaa gudoominayay wasiirka qasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Waxaana ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo sarkaal ka socdey haayadda DRC.


Sidoo kale waxaa shirkaasi joogay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.


Shirkaasi ayaa lagu falanqeyeey sidii labadda dhinacba ay wada shaqayn fiican u wada yeelan lahayeen.
Dhinaca kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa muddooyinkan danbe dar-dar gelisay hawlaha shaqo ee wasaaradaasi.


Waxaana jiray in todobaadyadii u danbeeyay ay wasaaradu heshiisyo wada shaqayneed ay la yeelanaysay haayado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo arrimaha la xidhiidha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here