Farriin Muhiim ah oo ku Socota Dadweynaha Xariirta ah ee Gobolka Saaxil!

0
706

Berbera: Xoraynteeda oo kaliya uma dhaawacmin, balse waxaan Habeen iyo Maalinba ku Fekeraa Horumarkeeda!

Asalaamu Calaykum

Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Dalka gudihiisa iyo debadiisuba waxay Todobaadyadii la soo dhaafay u dabaal-degeyeen una damaashaadayeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhexmaray labada Dawladood ee Somaliland iyo Imaaraadka iyo gaar ahaan kan Shirkada DP World ee la xidhiidha horumarinta iyo maalgelinta Dekeda Berbera. Heshiiskan oo ah Rajo bidhaantay oo Yididiilo cusub gelisay Muwaadiniinta reer Somaliland oo muddo 25 Sanadood ah u Rabbi tuugayay inay helaan shirkado Caalami ah oo Dalkeena maalgashi ku sameeya ayaa heshiiskani waxa uu bilow u yahay Horumar weyn oo Dalkeena Hooyo uu ku Talaabsan doono, isla markaasna waxa uu Muftaax u noqon doona Aqoonsi uu Qaranka Somaliland ka helo Dunida.

 

Inkasta oo Shacbiga reer Somaliland iyo gaar ahaan Dadweynaha reer Saaxil ay si weyn usoo dhaweeyeen Heshiiskan Taariikhiga ah, ayaa hadana waxaa soo baxay dad diidan heshiiskan oo waji kale u yeelaya guushan usoo hoyotay reer Saaxil iyo Qaranka oo dhan, waxaana muuqata in dad tiro yar oo dano gaar ah lihi ay u hawl galeen kicin dadweyne iyo dacaayado ay ku furayaan Heshiisan oo ay ka faaiidi doonaan Reer Saaxil iyo Qaranka Somaliland oo dhan.

 

Dekeda Magaalada Berbera oo Konton Sanadood in ka badan ay Cunuqabatayn, Go’doomin iyo Culayso Cadaw ay dul saarnaayeen ayaa imika ay u blaabmaysaa Rajo weyn iyo yididiilo ay kula Tartanto Dekedaha inagu hareeraysan ee Gobolka ku yaalla, iyada oo Dekeda Berbera ay tahay ta ugu Istiraatijisan uguna qiimaha badan dekedaha Geeska Afrika ku yaal, laakiin nasiib-darro may helin wax horumariya. Waxaana Cadaw badan oo Dalkeenu uu leeyahay ay Allah ka baryayaan inuu Fashilmo heshiiskani si ay Dekeda Berbera go’doon ugu sii jirto, ganacsatadeenuna ay magan u noqdaan Dekedo Wadamo kale, horumarna aynaan u gaadhin.

13495234_10209093292443311_5300314582976618861_n

Aniga oo ku faanaya inaan ka mid ahaa Geesiyaashii ku dhaawacmay Xorayntii Magaalada Berbera, isla markaasna aanan marna ka nasan sidii ay Magaalada Berbera horumar muuqda ugu talaabsan lahayd, ayaan ugu baaqayaa Bulshada Xariirta ah ee reer Berbera inay soo dhaweeyaan Maalgashiga Caalamiga ah ee lagu samaynayo Dakadeena, isla markaasna ay ka hortagaan fidnowade kasta oo doonaya inuu tashuush ku furo Rajada bidhaantay ee lagu horumarinayo Berbera.

 

Heshiiskani waxa uu wax ka tari doonaa Tahriibka!

Indhahayga ayaan ku soo arkay soona waraystay dhalinyardii tirada yarayd ee ka badbaaday Doonidii dhawaan ku Qarraqantay Badweynta Mediterraneanka oo ay inagaga dhinteen boqolaal qof ee reer Somaliland ahi. Dhalinyaradaasi oo aan ugu tagay dalka Giriiga waxay ii sheegeen haddii ay Dalkooda ka heli lahaayeen Shaqooyin fiican oo ay ku samaystaan nolol deggan inaanay Dalkooda Hooyo ka yimaadeen, waxaa indhahooda ka qubanayay Ilmo iyaga oo ka ooyayay dhibaatada ka soo qabsatay tahriibka.

 

Waxaa Dhamaanteen ku waajib ah inaynu ka fikirno sidii dhalinyaradeena aynu ugu samayn lahayn shaqooyin ay kaga maarmaan Silica iyo Saxriirka Tahriibka, waxaana hubaal ah in Heshiiskan Maalagashi ee dhexmaray Dalkeena iyo Dalka Imaaraadka ay Shaqooyin ka heli doonaan Kumanaan ka tirsan Dhalinyarada Somaliland, waxaa Camirmi doonta Magaalada Berbera, waxaana kobci doona haynta muwaadiniinta iyo Dhaqaalaha Dalkeena. Waxaanan ugu baaqayaa Dadweynaha Xariirta ah ee reer Berbera inay far iyo suul ku qabtaan, geed qudhaanjo lehna ku xidhaan qof kasta oo isku daya inuu Shaki geliyo Ummada ama uu ka horyimaado Heshiiskan taariikhiga ah ee lagu horumarinayo Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah, heshiiskan oo Cadaw badan oo aynu leenahay doonayo inuu Fashilmo.

 

 

Somaliland ha Guulaysato
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here