DEG DEG: Dabley Hubaysan oo Weerartay Saldhiga Booliska Ee Boorama

0
735

Boorama (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka dabley aan heebtooda la garanayn ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidammada ee ku yaal halkaas.

Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday, waxaana markii dambe boolisku ay baacsadeen kooxdaas, sida ay sheegayaan wararku.

Waxaana lagu soo warramaya in imika xaaladda magaalada Boorama ay degen tahay isla markaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaas.

Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jiro dhibaatadaas.

Guddoomiyaha gobolka oo hada warbaahinta la hadley ayaa sheegay in hadda ay howlgallo wadaan.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…

 

Hargeisa Press Desk/ Boorama Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here