Fanaanad Khadra Daahir Cige oo Geeriyootay

0
2678

Hargeysa (Hargeisa Press)- Alle u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaanadii weynayd Khadra Daahir Cige oo muddooyinkan ku xanuusanaysay magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee geerida Fanaanad Khadra Daahir Cige, ayaa waxaa xaqiijiyay Qaar ka mid ah ehelladeed.

Fanaanad Khadra Daahir, ahead waxay ku geeriyootay cisbitaalka Internaional ee magaalada Hargeysa oo mudooyinkii dambe lagula tacaalaayay xaaladeeda caafimaad.

Khadra Daahir Cige, ayaa ka mid ahayd fanaaniinta waaweyn ee Soomaalida, waxayna aad fanka uga dhex muuqatay beri-samaadkii, inkastoo waayihii dambe ay ka fadhiisatay.

Fanaanad Khadra Daahir Cige waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas ayey ku barbaartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii. Sida ay Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha.

khadra Daahir Cige waxay qaaday 250 heesood, heestii ugu horeysay ee ay qaadana waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, waana heesteedii koowaad ee ay bilowday qaadisteeda.

Taariikh nololeedka Fanaanad Khadra Daahir

Alle ha u naxariisteeΒ Fanaanada Khadra Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa 1957, iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna babaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.

Khadra Daahir, waxay qaadday ku dhawaad 250 heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna Khadra Daahir waxaa heeseheeda laga sameeyay sheekooyin.

Alle ha u naxariistee Fannaanadda Khadra Daahir Cige, waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii.

heesteedii ugu horaysay

Khadra Daahir cige waxay qaaday 250 heesood, heestii ugu horeysay ee ay qaadana waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadra Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, waana heesteedii koowaad ee ay ku bilowday fanaka. Heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa: “Hawl iyo dadweynoow, Hantidoon wadaagnaa Waa horumarkeeniyo Hido aynu leenahay, Hayaan baa la gelayaa, Khadra Daahir, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ahaa bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.

SaalaxQaasinΒ oo aad ula dhacay codka Khadra Daahir, ayaa madaxii idaacadda raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato. Iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa waxay tidhi β€œwaxaa la ii geeyay Allaha ha u naxariistee Ismaaciil Yare, Huuryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna i yidhaahdeen ”hees kale maqaadi kartaa?”. Waxaan qaaday hees kale oo ay Sahra Axmed qaado. Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii. Habeen habeenada ka mid ah, ayay Khadra ka qayb-gashay xaflad, waxayna halkaa kula kulantay fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado fannaanadda Sahra Axmed. Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii Waaberi, iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay Dab jacayl Karin Waa, oo kamida ruwaayadaha Soomaalida kuwa ugu horreeya uguna caansan, curiyeyna abwaan Xassan X.C/laahi (Xassan-Ganey).

Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay masraxyadii kala duwannaa ee fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba. In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaami jireen boqorada jacaylka.

Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin; Afka lagama sheegtoo, Adigoon Jacayl arag, Looma uur xumaadee Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaadaysay.

Su’aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay fanka bilowday waxay tidhi β€œ Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa I jiidanayay jacaylka aan u qabay fanka.β€œMarka laga tago riwaayadii la odhan jiray Dab Jacayl Karin Waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd. Waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday riwaayad la odhan jiray Jini iyo Jacayl oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulka soomaalidu degto.

Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay). Hase yeeshee, heesta ay ugu jeclayd heesaha ay ku luuqayn jirtay, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay abwaan Maxamed Cali Kaariye. Mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay Khadra tidhi, β€œHeesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii Bulaale iyo Herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay”.

Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay sida ay u jeceshay, taas oo ku yeelatay saamayn Khadra lafteeda dhinaca cishqiga. Heesstaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi ii hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay.β€œ Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.

Heesaha ay qaadi jirtay fanaanadu oo u badanaa wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Khadra Daahir loo siiyay magaca weyn eeΒ Boqorada Fanka Soomaaliyeed.Β Intaasi waxaa dheer, Khadra Daahir waxaa ay lahayd naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanayi jirayΒ Khadra Qaali.

Alle ha u naxariistee Fannnaanada Khadra Daahir, ayaa maalmahaan ku xanuunsanayd cisbitaal ku yaala magaalada Hargeysa,ayaa caawa halkaasi ku geeriyootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here