Fadlan Baaji Inta Aad Awoodid Tahriibayaasha…Qalinkii: Abdinaasir Awad Muuse (Dooyo)

0
1369

Shaqo La’aanta Jirta Ka Sokow …. Maxaad ku Baajin kartaa Da’yarta si ay u ugu Niyad Samaadaan Dalkooda?

 

Soo Jeedin……

Jaamacada Dalka iyo School kala duwan waa in dib u eegis lagu sameeyaa Manhajka waxbarasho ee ay siiyaan Da’yarta{kala Duwanaashaha cilmiyada Jaamacaduhu bixinayaan waxa ay abuurtaa fursado Shaqo iyo in uu yaraado Tirada shaqo la’aanta ee jirta}

 

Tusaale:  Tirada ugu Badan ee jaamacadaha dalka ka soo qalin jabisaa waa faculty Loo yaqaan Business Administration oo tiro ku dhawaada ay soo qalin jabiyeen 5000 Business Administration, jaamici kastaa waxa uu doonayaa in uu xafiis ku shaqeeyo.

 

Eeg: Guryaheena fooqa loo yaqaan waxa aluminum Gidaarka la’raaciyo xidha waa niman Hindi ah, eeg Haa’yadaha Waddankeena jooga inta madaxa waxa ah ajaanib markaa aqoontaa ajaanibku wataan ee inta badan u badan Social Science waa in la’keenaa dalkeena. Sida Medicine dhawr Faculty, Engineering, Social Work study/ Community Development, Decoration study, Agriculture, Farsamadii Gacanta iyo kuwa kale oo badan iyadoo lagu jaan-goonaayo fursadaha yaal dalka iyo Baahiyaha Jira.

 

In Muwaadinka laga Horeesiiyo fursaha Shaqo qof kasta ajaanibka.

In Haa’yada Shaqaalaha ee Dawliga ah la’siiyo awood ay ku soo baadhaan Caaglaha Jira Noocuu doono iyo Musuq maasuqa shaqaalaysiinta eek a baxsan hanaanka suuban ee tartamayaasha.

In La’abuuro Hanaan Sharci oo aan Cidna u Xaglinayn oo u dhaxeeya Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyaha Public iyo Private.

In Dhalinyarada Lagu Qadariyo Aqoontooda ee aan Lagu Qadarin Siyaasi, Suldaan iyo Hanaan Qabiil.

In La’abuuro Madadaaladii Da’yarta. Sida Garoomada, Goobaha wax Lagu akhristo, Goobaha Dhalinyaradu iskugu Timaado.

Golayaasha Deegaanku Qurxiyaan oo ay dhisaan Magaalooyinka Loo Doortay si aanay Da’yartu u Niyad Jabin, oo Dalkooda uga Niyad Jabin….. Waa in laga Fikiraa Goobo indhaha Da’yarta soo Jiidanaaya, oo xildhibaanada Golaha Deegaanadu

Dhisaan sida Garoomo Casriya, oo nooc walba iskugu Jira, Youth Clubs iyo in laga ururiyo Wadooyinka Qashinka yaal hareeraha Waddooyinka.

 

In La’xakameeyo Musuqa sida Caaglaysiga Shaqaalaha Dawlada, Musuqa Cashuuraha kala Duwan, Musuqa Sharciyada oo la’dhawraa xuquuqda muwaadinka.

 

Lana xoojiya sharciga oo masuulka sameeya caaglaysiga la’horkeenaa sharciga,

 

In la’abuuro small Business oo da’yarta lagu dhiirigaliyaa Ganacsiga Xorta ah iyadoo xuduud loo kala sameenaayo{Tusaale….. Raaxo Taxes waxa uu Joogaa qiimo dhan 2500 Dollar ilaa 3500 Dollar, waana aragtaa sida Da’yartu u adeegsato} Haa kala duwanaasho Ganacsi waa in wasaaradaha ku shaqada leh diyaariyaan si da’yartu u hesho fursado badan.

 

Xakameenta qablaayada guud ahaan iyo in la’baa’biiyo sheekatada dhulka ee magaalooyinka kala duwan si loo helo maalgashiyo caalami ah{ ogaw reer Hebel waddanka waa kula dagaa, ee muwaadin adiga maxaa kuu dan ah in aad shaqeeso cidii doonta maalgalinta Ha’sameeso}

 

Dhiirigalinta Tartamo Ciyaaraha kala duwan iyo Goobihii lagu Tartamaayay. Iyadoo Shicib, Xukuumada iyo Ganacsataba laga wada qeeb-galaayo Tarmadaa.

 

Xukuumaddu waa in ay abuurtaa xiisaha Tartamada iyo qurxintooda, Ganacsataduna ka qaybqaadataa maalgalinta Da’yarta kala duwan, shacabkuna taageeraan Ciyaaraha iyo Da’yarta Guud ahaan

 

Dalkeena Laba Dhacdaba marka hore bulsho ahaan kama sii gaashaamano

 

Tahriibka iyo Abaaraha

Qalinkii: Abdinaasir Awad Muuse (Dooyo)

0634402248

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here