Sports: Messi oo Dhaliyay Goolkii 500-aad Mudadii uu Garoomada Kubbadda Cagta ku Jiray iyo Kulammada u Dhiman Kooxaha…

0
1199

HargeisaPress —Lionel Messi, ayaa dhaliyay goolkiisii 500-aad mudadii uu garoomada ku jiray, kaasoo uu ka dhaliyay kulankii Valencia 2-1 kaga badisay Barcelona ee sababay inay guul-darradii 3-aad ee xidhiidh ah la kulmaan.

 

Laacibkan Argentina u dhashay waxa uu Barcelona u dhaliyay 450 gool, halka uu xulka Argentina uga dhaliyay 50 gool, taasoo wadarta guud ee goolasha uu dhaliyay mudadii uu ciyaarayay ka dhigaysa 500 gool.

 

Waxa kaloo uu laacibkan weli hoggaaminayaa laacibka ugu gool-dhalinta badan horyaalka Spain ee La Liga, isagoo ka horreeya Cristiano Ronaldo (labaad), Telmo Zarra (saddexaad) iyo Hugo Sanchez oo 4-aad ku jira.

……………………………………………………

Kulammada u Dhiman Kooxaha isku Garbinaya Kaalinta Sare ee Horyaalka La Liga Spain

 

Barcelona oo lala hoggaaminayaa horyaalka Spain ee La Liga kadib markii saddexdii kulan ee u dambeeyay guul-darro loo xambaariyay, waxanay min 76 dhibcood horyaalka kuwada hoggaaminayaan Atletico Madrid.

 

Barcelona waxay shanta kulan ee u hadhay la kala ciyaari doontaa Deportivo, Gijon, Real Betis, Espanyol iyo Granada, halka Atletico Madrid kala ciyaari doonto Athletic Bilbao, Malaga, Rayo Vallecano, Levante iyo Celta Vigo.

 

Real Madrid oo dhibic keliya labadan kooxood ka hoosaysa waxay kulamada u dhiman horyaalka foodda iska-dari doonaan kooxaha Villarreal, Rayo Vallecano, Real Sociedad, Valencia iyo Deportivo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here