Fadeexad Dul Hoganaysa Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa

0
1195

Hargeysa, (HargeisaPress — Ceeb iyo fadeexad weyn ayaa ka dhalatay kadib markii Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa uu ku kacay fal aad u fool xun kaasi oo ahaa kadib markii uu askartii amar ku siiyey inay xoog kaga saaraan Xafiiskiisa xoog kaga saaraan Xildhibaan Bukhaari oo hawlo shaqo u soo booqday xafiiska Xoghayaha kaidbna iaga oo aan fadhiisanba uu xoghayahu si qaawan oo bilaa ixtiraama uu ugu dhawaaqay xafiiskayga ka bax iyo meeye askartii waar iga saara ninkan xafiiska , nasiib darose waxa ku gacan saydhay oo kadiiday askartii ilaalinaysay Xogahayaha oo ugu jawaabay xoghaye  ma xidhi karno mana qaban karno xildhibaanka  awoodna uma lihin xadhigiisa arintaasi oo sababtay inuu fadhilmo isku daygii Xoghayuhu ku rabay in askartiisu ku xidho xoghayeha ayaa sababtay inuu ku cadhoodo oo uu aad ugu buuqo askarta waajibkoodii ku tay.

Iskusoo wada duuboo maaha markii ugu horeysay ee uu Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa oo shaqada ku cusubi ku kaco falal ku lidi ah shaqada uu qaranka u hayo taasi oo sababtay in durtadaba ay aad uga biyodiidaan dadweynaha ku nool caasimada Hargeysa ee uu xilkan u hayo oo Subaxwalba kala kulma falal dhaqanka masuuliyiinta baalmarsan oo uu kula kaco bulshada xafiiskiisa kusoo booqata.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here