“Wixii siyaasad loo la jeedo Somaliland ma ogola”… Wasiir Faratoon

0
602

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay war-murtiyeed ay bulshadu si weyn uga shakiyeen oo ay wada jir u soo saareen guddigii heer wasiirro ee wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Qodobkaasi oo la xidhiidhay in Somaliland ay ogolaatay isku socodka bulshadda gaar ahaana ciyaartooyga, fanaaniinta iyo xubno kale, sida ku qornayd war murtiyeed ay labadda guddi soo saareen.

Hase yeeshee, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay qalad dhinaca daabacaadda ah, isla markaana ay wada saxayaan dhinacyadda ay khusayso ama ka dhaxayso.

Waxaanu sheegay in waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii Jabuuti oo saddex qodob ka koobnaa ay ugu muhiimsanaayeen in aan la siyaasadaynin caawimooyinka beesha caalamku u soo marinayso Somaliland dawladda Soomaaliya.

In si wada jir ah loo wada maamulo hawadda Somaliland iyo Soomaaliya, inkastoo bulshadda reer Somaliland ay qodobkaas laftiisa shaki badan ka muujiyeen qaabka loo dhigay.

Wixii dhaqaale ah ee ka soo baxa maamulka hawada-na si wada jir ah ay u qaybsadaan Somaliland iyo Soomaaliya.

“Qodob kale wuxuu ahaa, gaadiidka hawadda in la wada maamulo, oo maamul dhexe oo labadooduba ay heshiis ku yihiin, oo ay u siman yihiin, in lagu maamulo.

Wixii dhaqaale ah ee  ka soo baxa-na, in la qaybsado, oo saami lagu kala qaybsanayo lagu heshiiyay.

Qodobkaasi waxaa ku dhacay khalad madbici ah. Qoladii soo daabacdayna way sheegeen, raali gelin ayaanay ka bixiyeen, imikana iyagaa saxaya”.

Geesta kale wasiir Faratoon, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay uu ka mid ahaa in si wada jir ah ay arrimaha nabadgeliyadda uga wada shaqeeyaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Iyadoo wixii nabadgeliyadda xad-gudub u ah uu dhinac waliba ilaaliyo. Laga-na wada socdo, oo la isla socod siiyo.

Qodobkaasi oo ah ka ay sida weyn saska uga muujiyeen bulshadda Somaliland iyo xisbiyadda mucaaradka ah, maadaama oo aanay Somaliland markii hore sharciyan ogolayn isku socodka fanka, ciyaaraha iyo siyaasadaba.

Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland  ayaa ku dooday in qodobkaasi aanu ahayn sida ay dadweynuhu u fasirteen, isla markaana aanu waxba iska bedelin mawqifkii Somaliland ee ahaa in aanay siyaasiyiinta Soomaaliya iman Karin Somaliland.

“Dadku intaa, wuu isku socdaa. Ganacsigii baa isku socda, suugaantii iyo dhaqankiibaa isku socda, baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka ayay ku jirtaa. Ummadani ma kala xidhna, waa ummad isku dhaqan ah, wax ay ku kala xidhan yihiina ma jirto.

Laakiin, wixii siyaasad  loola jeedo, Somaliland ma ogola. Ninka isagoo calankii Soomaaliya xidhan, halkan (Somaliland) la yimaadda, muxuu u jeedaa? Maxaa loogu ogolaanayaa” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here