Wasiir Khaliil Oo Ka Hadlay Maydka Qof Ajaanib ah Oo Lagu Gubay Hargaysa

0
896

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa ka hadlay dhacdo maalmihii u danbeeyay muran iyo aragtiyo kala gedisan ay ka bixiyeen qaybaha kala duwan ee bulshadu.

Arrintaasi oo la xidhiidhay nin ajaanib ah, isla markaana aan islaam ahayn oo la sheegay in maydkiisa lagu gubay dhinaca woqooyi ee magaaladda Hargaysa.

Dhacdadaasi oo ay cabasho ka muujiyeen dadweynaha degan deegaanka lagu gubay maydka ninkaasi oo Jayniis ahaa. Kaasoo ay dadku sheegeen in uu u dhintay xanuunka Corona virus.

Sidoo kale arrintaasi waxay muran dhinaca diinta la xidhiidha ka dhex dhalisay qaar ka mida culimadda dalka oo khubadaha masaajidadda kaga hadlay arrinkaasi.

Sheikh Khaliil C/laahi Axmed, oo maanta warbaahintu ay wax ka waydiisay dhacdadaasi iyo waxa kalifay in qof aan islaam ahayn maydkiisa lagu gubo dal muslim ah iyo waxa ay arrinkaasi kala socdaan.

Waxaanu sheegay in ninkaasi oo asal ahaan ka soo jeeday dalka China aanu u dhiman xanuunka Corona, sida uu cadeeyay cusbitaalka guud ee Hargaysa oo ninkaasi uu ku dhintay.

Isagoo arrimahaas faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi, “Nin Jayniis ah, ayaa dhawaan dhakhtarka weyn ee Hargaysa ku dhintay. Ninkaasi oo xanuunkiisu ahaa xanuun caadi ah. Kansarka dhiiga iyo Kelyo xanuun ayaana ku dhacay. Markii ay soo cadeeyeen cusbitaalka guud ee Hargaysa.

Wuxuu ka codsaday wasaaradda diinta iyo awqaafta, in ay maarayso ama sheegto qaabka qofkaasi loo aasayo ama looga takhalusayo.

Geesta kale wasiir Khaliil, waxa uu sheegay in markii warbixinta geeridda ninkaasi Jayniiska lala soo socodsiiyay wasaaradda diinta iyo awqaafta in ay u saareen xubno ka mida culimadda ugu caansan dalka.

Kuwaasoo cadeeyay in guud ahaanba madaahiibta islaamku ay isku waafaqsan yihiin in aanu qofka gaalka ah marka uu dhinto aanu lahayn xurmadda qofka islaamka ah oo kale, sidaas darteedna lagu wareejinayo ehelkiisu haddii ay joogaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaanan arrinkaa u fadhiisinay qaar ka mida culimadda waaweyn ee dalka. Anagoo eegayna maslaxadda guud iyo diinteenu waxay ka tidhi.

Waxaanan cadaynay, in madaahiibta islaamiga ahi aanay isku khilaafsanayn, qofka Gaalka ah, ee aan islaamka ahayn, xurmaddda islaamka oo kale ma laha. Sidaas darteed, waxay cadeeyeen cidii ehelka u ahayd, haddii ay joogaan waa loo dhiibayaa, siday doonaan haka yeelaane”.

Dhinaca kale wasiirku waxa uu sheegay in aanay dadka reer Somaliland ka qayb qaadan gubista maydkii ninkaasi. Balse waxa keliya ee khalad keenay ay tahay in meel munaasib ah aanay ku gubin.

 

“Inagu kamaynaan qayb qaadan Gubitaanka, in aan si guud u ilaalino maahee. Laakiin, xaaskiisii oo joogtay iyo niman Jayniis ah, ayaa lagu wareejiyay.

Waxaa runtii qaldanayd, oo aanu kula xisaabtanay-na dadkii Jayniiska ahaa, ee hawsha gubista fuliyay, in ay la tegeen gubista maydkaasi, meel aan ku haboonayn, sidii balantu ay ahayd. Taasina waa khalad ka dhacay iyaga”ayuu yidhi sheikh Khaliil.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here