Faah-faahin Ka Soo Baxday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
538

Muqdisho (Hargeisa Press)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lagu soo xidhay mid ka mid ah gaadiidka aan rasaastu karin Bulletproof oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Zoobe KM5 magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen Laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa qof u dhashay dalka Turkiga, laakiin lama sheegin wax khasaare dhimasho ah oo uu sababay qaraxani.

Qaraxyada lagu xidho gaadiidka iyo kuwa lagu aaso dhulka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaan duleedka Muqdisho ay ku dhaawacmeen qarax miino laba ka mid ah Injineerada dhismaha ka wada wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen Laamaha Nabad-galyada ee Soomaaliya qaraxyada soo cusboonaaday ee ka dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay, waxaana xusid mudan in qarax shalay lagu weeraray gaadhi ay saaraayeen saaraakiil ciidan uu sababay dhimashada Laba sarkaal oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here