Farmaajo oo Go’aankiisa Ku Aadan Kiiska Badda U Sheegay Qaramada Midoobey

0
611

New York (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Sooomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daqiiqado ka hor hadal ka jeediyay shirka loo dhan yahay ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa sheegay in Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya lagu xalinayo Maxkamdda ICJ.

Wuxuu sheegay in kulankii uu dhex-dhaxaadiyaha ka ahaa madaxweynaha Masar ee uu la yeeshay madaxweynaha dalka Kenya uu ahaa mid aan madha dhal aheyn gaar ahaa qodobka ku saabsan muranka Badda, isaga oo mar kale ku celiyay mowqifka dowladda Soomaaliya oo ah ayuu yidhi Kiiska Badda lagu soo dhameeyo oo kaliya Maxkamadda Cadaallada oo dhawaan bilaabeysa dib u dhigeysiga dacwadda.

Wuxuu ballan qaaday madaxweyne Farmaajo in dowladda Soomaaliya mar walba u hoggaansami doonto islamarkaana ixtiraami doonto go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamada.

Laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in labada wadan Soomaaliya iyo Kenya yihiin kuwo walaalo ah oo daris ah, islamarkaana ay jiraan wax-yaabo badan oo ay iska kaashan karaan, sida nabad-galyada, xidhiidhka siyaasadeed, iyo hormarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa siweyn uga horimanaya khudbadii uu Golaha ka hor jeediyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in Kenya ku taagan tahay in dariiqa wadalka lagu dhameeyo muranka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay siyaasadda loo dhan yahay qorshaha dowladdiisa ee kala guurka soo socda, waxaana uu tilmaamay in  doorasho loo dhan yahay uu ka dhici doono Soomaaliya sanadka 2021.

Wuxuu sheegay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dowlad gobolleedyada qaarkood ka dhaceen sida uu hadalka u dhigay doorashooyin lagu guuleystay, laakiin ma aanu soo hadal qaadin magacyada dowlad gobolleedyada uu ka hadlay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here