Uhuru Kenyatta: ”Wali Waxan Ku Taagnnahay In Dariiq Wadahadal Lagu Dhameeyo Muranka Badda Ee Nagala Dhaxeeya Soomaaliya

0
478

New York (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wali dowladda Kenya ku taagan tahay in hab wada hadal lagu dhameeyo muranka Badda ee kala dhaxeeya dalka Soomaaliya.

Kenyatta oo khudbad ka hor jeedinayay kulanka meertada 74aad ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobay ayaa  hadalkan sheegay maalin uu kaddib kulan uu New York kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadlleen arrimo dhowr ah oo khuseeya xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee labada dowladdood.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu sii waddi doonto dadaallada ku saabsan in dhiggooda Soomaaliya ku riixaan in xal wada hadal lagu dhameeyo muranka Badda ee ka dhaxeeya kaas oo hadda hor yaala maxkamadda Cadaallada ICJ.

Wuxuu sheegay in Qarramada Midoobey  ahmiyad gaar ah siineyso in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada,

“Sida aan ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad  siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu  xalliyo murannada, Sidoo kale heshiiskii shuruucda badda ee Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamayaa xadeynta xudduud badeedda ee u dhaxeeya waddamada si saaxiibtinnimo ah”ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegy in ay soo dhaweynayaan dhankooda dalabkii ka soo baxay Golaha Amaanka Midowga Africa ahaa in wada hadal laga galo khilaafka Xudduud Badeedka u dhaxeeya labada dowladdood Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Masar ayaa soo qaban qaabiyay kulan uu isugu keenay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo is afgarad ka dhex dhaliyay labada dhinac oo tan iyo bishii March ee sanadkan aanay is arkin, islamarkaana xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid xumaaday.

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo VOA la hadlay ayaa sheegay in marnaba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la soo qaadin dhiggiisa Kenya wada hadal khuseeya Badda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in uu lafirkiisa maanta khudbad ka hor jeediyo shirka Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa isha lagu wada hayaa sida uu soo hadal qaadayo khilaafka kala dhaxeeya Kenya iyo aragtida Soomaaliya ee ku aadan habka loo wajahayo kiiska ku saabsan muranka Badda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here