‘Dunidu waxay gashay hoos u dhacii dhaqaale ee ugu darnaa tan iyo 1930-kii’

0
743

Feyraska safmarka ah ee Corona, wuxuu ku keenay korriinkii dhaqaalaha dunida inuu galo xaalad hoobad ah sannadkan. Sida ay ku qaylo-dhaantay Madaxa hay’adda Lacagta Adduunka, ee (IMF).

Kristalina Georgieva ayaa sheegtay, in dunidu waajahayso dhiilladii ugu darnayd ee dhaqaale xumo, tan iyo masiibadii weynayd ee 1930-kii

Waxay saadaalisa in keliya soo kabasho yari ay muuqato sannadka 2021.

Bandawyada ay soo rogeen dowladaha caalamka ayaa ku qasbay shirkado badan inay xidhaan ganacsigooda, isla mar ahaantaana sameeyaan shaqaale dhimid.

Toddobaadkan horraantiisii, daraasad ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 81% shaqaalaha adduunka ee 3.3 bilyan oo qof ay boosaskoodii shaqo si buuxda ama qayb ahaan ay xidhmeen sababo la xidhiidha sadhadan darteed.

Ms Georgieva, maareeyaha Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kulanka ay qabatay hoosta kaga xarriiqday, sida toddobaaddada soo socdaa ay u yihiin kuwo ma hubanti ah

Suuqyada cusub iyo waddamada soo koraya ayaa ah kuwa ay haleeshay dhibaatada ugu daran, sida ay sheegtay iyaga oo u baahan bay tidhi boqolaal bilyan oo dollar oo kaalmo shisheeye ah.

Saddex bilood ka hor, waxaan fileynay in qofkiiba uu helo dakhli wanaagsan in ka badan 160 waddan oo xubnaha ka ah haayaddan sannadka 2020, “ayay sii raacisay hadalkeeda

Waxay intaasi ku dartay: “Xaqiiqdii, waxaan fileynaa burburka dhaqaale ee ugu xumaa tan iyo masiibbadii weynayd ee Sannadkii 1930-kii”

Dhanka kale haayadda samafalka ee fadhigeedu yahay, Uk ayaa ka digtay in kala badh dadka adduunka ku nool bilyaamadka ahi ay kolka feyraskani dhammaado ay ku noolaan doonaan xaalad macalluul ah.

2021, lama arko soo kabasho fiican oo muuqata.

Khamiista, wadahadallo ay yeesheen hogaamiyaasha EU waxay ku heshiiyeen € 500bn (£ 440bn; $ 546bn) oo ah xidhhmo taageero dhaqaale ah oo loogu talagalay xubnaha dalalka hay’adda ka tirsan ee bandawgu saameeyey

Horraantii toddobaadkan, Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO), oo ah hay’ad Qaramada Midoobay ka tirsan, ayaa ka digay in safmarkani dhaliyey “busaaraddii ugu darnayd” tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Waxay sheegeen in cudurka dillaacay la filayay inuu tirtiro 6.7% saacadaha shaqada adduunka oo dhan inta lagu jiro rubuca labaad ee 2020 – oo u dhiganta 195 milyan oo shaqa-maalmeed buuxa ahaa oo shaqadooda lumiyey.

Bishii la soo dhaafay, Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) wuxuu ka digay in dhaqaalaha adduunka uu qaadan doono sannado soo kabasho ah

Xoghayaha guud Angel Gurría wuxuu sheegay in dhaqaaluhu ay la soo deristay cabsi aad u weyn marka loo eego weeraradii argagixiso ee 9/11 ee 2001 ama xiisaddii dhaqaale ee 2008.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here