Dowladda Soomaaliya oo Diidday In Dib Loo dhigo Dhageysiga Dacwadda Badda Ee Kala Dhaxaysa Kenya

0
648

Hague (Hargeisa Press)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaanay marna aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda, kaddib markii ay dowladda Kenya codsatay muddo kale oo dhageysiga kiiska dib loo dhigo.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahad Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdi dowladda Soomaaliya u dirtey maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladdu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

“Dowladda Soomaaliya go’aankeedu waxa uu yahay inaanay aqbalayn wax ka badan 4ta November, kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowladda Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yidhi Ra’isal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Wuxuu inta ku daray  in dowladda Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Doodda cusub ayaa timid markii maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICJ oo kiiska uu horyaal ay  u yeedhay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo maanta dhagaysatay wakiillada ka socday dalka Kenya iyo Soomaaliya waxaana laga sugayaa maxkamadda ICJ in ay go’aan ka gaadho xilliga la dhagaysanayo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here