Austria oo Soo Bandhigtay Kaalmo Ay Siinayso Somaliland

0
844

Hargeisa (Hargeisa Press)- Somaliland waxay ballaarinaysaa xidhiidhka ay la leedahay Austria si ay u sahamiso qaabab loo horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta kaabayaasha.

Somaliland waxay sidoo kale taageero ka doonaysaa qaranka reer Yurub xagga waxbarashada iyo caafimaadka.

Wakiilo ka socda labada dal ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Nairobi waxayna ka wada hadleen dariiqooyinka sida ugu badan loogu uruuriyo Kheyraadkooda si looga faa’iideysto Quruumadooda.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Ambasoador Bashe Cali Xaaji Cumar oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Sharmake Gelle iyo safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika halka Somaliland ay door muhiim ah ka ciyaarto arrimaha badda.

“Iskaashigeenna wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarka ka jira Somaliland,” ayuu yidhi ergayga reer Austaralia.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Michael Kassal, La-taliye, Kuxigeenka Ergada iyo Edith Predorf, La-Taliyaha Ganacsiga ee Austria.

Sharaf weyn ayey ii ahayd in aan la kulmo Wakiillo ka socda Austria.

Bashe wuxuu yidhi, “Hadalkeennu wuxuu ku saabsan yahay arrimaha horumarinta Somaliland waana ku faraxsanahay inay noo soo bandhigeen inay naga taageeraan horumarinta waaxdeena caafimaadka iyo waxbarashadaba sidoo kale waxay eegi doonaan sidii ay nooga caawin lahaayeen dhisitaanka kaabayaasheena,” ayuu yidhi Bashe.

Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay “Sharaf weyn ayey ii ahayd in aan la kulmo Wakiillo ka socda Austria.”

Austria waxay ka mid tahay xubnaha midowga yurub ee diiradda saarey dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here