Dooxa Huluuq Ee Magaalada Arabsiyo Oo Qaaday Gaadhi Noho Ah Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + SAWIRRO

0
1368

HARGEISA , (HargeisaPress) —Wararka soo gaadhay  magaalada Arabsiyo Ayaa sheegaya in Dooxa wayn ee huluuq ee Dagmada Arabsiyo uu qaaday gaadhi Nooha ah oo ay Saarnaayeen 9 qof inta la ogyahay Waxa sida la sheegay in la ogyahay Lagasoo badbaadiyay 8 qof,iyada oo ay halkaasi ku  Geeriyootay gabadh da’yar Ale ha unaxariistee.

 

Waxaana  Gurmad deg deg ah markiiba u fidiyay Dadwaynihii Reer Arabsiyo,iyadoo dirawalkii oo Xaaladiisa cafimaad kaliidato  iyo dadkiiba kaleba losoo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada gabiley.

arab

 

Xiliyada roobaadka ayaa bulshada iskaga kala gooshta caasimada Hargaysa iyo Gobolada Galbeedka Somaliland khatar ba’an ku haya dooxyada waawayn ee mara Magaalada Arabsiyo kuwaas oo sanadkasta khasaare naf iyo maalba saameeya dadkaa isusocda, iyada oo ay xukumadda Somaliland aanay isku hawlin wax ka qabashada dooxyadaas khasaaraha gaysta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here