Isku-aadka SEMI FINAL-ka Koobka Horyaalka Kooxaha Yurub oo lagu Dhawaaqay + SAWIRRO

0
853

HARGEISA , (HargeisaPress) —Waxaa maanta la shaaciyay sida ay isugu dhacayaan afarta kooxood ee isugu soo hadhay Wareegga Semi Final-ka koobka Horyaalka Qaaradda Yurub ee UEFA Champions League oo ay isugu soo hadheen kooxaha Bayern Munich, Atletico Madrid, Real Madrid iyo Man City.

 

Kooxda Man City oo ka dhisan dalka Britain ayaa waxay ku aadday kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid, halka kooxda Bayern Munich oo Jarmalka ka dhisan ay ku aadday kooxda Atletico Madrid oo ka dhisan dalka Spain.

Isku_aadka_Semi_Final_ka_UEFA_Champion (7)

Real Madrid oo koobkan loo tartamayo 10-jeer ku guuleysatay ayaa waxay la ciyaari doontaa lugta koowaad ee Semi Final-ka koobkan kooxda reer Britain ee Manchester City, taasoo ka dhici doonta Manchester 26-ka bishan Abriil ee aan ku jirno, halka lugta labaad ay kooxahan ku ciyaari doonaan Dalka Spain 04-ta bisha May ee soo socota.

Isku_aadka_Semi_Final_ka_UEFA_Champion (2)

Man City iyo Real Madrid ayaa ciyaartii ugu dambeysay ee koobkan ka tirsan waxay dhexmartay Sannadkii 2013-kii, markaasoo Man City cayaaraha laga reebay, kaddib markii ay 3-2 kaga guuleysatay kooxda Real Madrid.

Isku_aadka_Semi_Final_ka_UEFA_Champion (1)

Sidoo kale, Bayern Munich oo Jarmal ah iyo Atletico Madrid oo Spain ka dhisan, ayaa waxay lugta hore ee is-araggooda uu ka dhici doonaa Spain 27-ka bishaan Abriil ee aan ku jirno, halka lugta labaad ay ku wada-ciyaari doonaan dalka Jarmalka 03-da bisha May ee soo socota.

Isku_aadka_Semi_Final_ka_UEFA_Champion (5)

Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa waxaa ugu dambeysay inay koobkan ku kulmaan Sannadkii 1974-kii, markaasoo kooxda reer Spain ee Atletico Madrid looga badiyay 4-0. Iyadoo cayaaraha dhexmari doona labadan kooxood la sheegayo inay aad u adag yihiin, maadaama uu xilaafaltan adagi ka dhexeeyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here