Doodaha Danyarta Iyo Dugsiyada Gaarka Ah Qormadii 8aad Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
887
Axmed Cisman Batuun

Qornadani waa dhamaadka faaqidaadii dugsiyada gaarka ah waana  bilawga fatashaadda jaamacadaha tiro dhaafay ee xiligan ragaadiyay aqoonta sare ee dalka oo noqon doonta qaybta sagaalaad ee taxanahan).

 

Aynu is xasuusinee akhristeyaal

qormadii tan ka horraysay waxaynu kusoo qaadanay aragtiyaha ardayda wax ka barta dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo duruufaha ku xeeran, hadaba qaybtan oo ah qaybtii sideedaad ee taxanaha aynu wax kaga ogaanayno kuna toosinayno hagardaamooyinka ay leeyihiin goobaha wax barashada gaarka ah ee ay gacanta ku hayaan shakhsiyaadka lacagta  sida arxanka daran uga raadiya bulshada u badan danlayda ee ku dhaqan dalkan,isla markaana si aan aqooni hagayn oo bani,aadminimadu ku yartahay uga faraqabsaday iyagoo waliba aan waxba kagasoo celin dalka lagana yaabo inay sagsaagaan cashuuraha waajibka ku ah goobohooda ama ay la dhuuntaan,ayaa waxaynu ku eegi doonaa qaybtan qodobo ay ka mid yihiin;

 

khataraha caafimaad ee ku xeeran dugsiyadan iyo  qodobo kale.

aynu ku horraynee dugsiyadan mulkiileyaashoodu waxay ka dhex furteen dugsiyadooda goobo lagu iibiyo waxyaalaha caruurtu ay ku nusasaacayso kuwaaso qiime sare wax lagaga iibsado oo kabasii darane xaga nadaafad ahaana aanay jirin cid sidii loo baahnaa isaga xil saarta.

 

Arrintaasoo keeni karta inay ubadku xanuuno ka qaadaan sidoo kalana ay isu gudbiyaan hadiiba ay jiraan qaar qaba xanuuno, ku darsoo waliba

Waxaa taasi garab taal in ay buux dhaaf yihiin fasalada wax lagu bartaa oo tiradii loogu talogalay sadex laabkeed ay fasalada qaar ku jiraan,lagana yaabo in fasalka nadaafadiisa aan si fiican loo daryeelin deegaanka dugsigu ku yaalaana aanu ku haboonayn waxbarasho ama dugsi.

 

Dugsiyadani ma sameeyaan goobo,gaadiid,ama shaqaale gurmad caafimaad oo degdeg ah samayn kara hadiiba ay dhacdo in xaaladi qabsato ardayda qaarkood sida dhiigbax,miyir doorsoon,neef qabatin,suuxdin,ama wax la mida taasoo ay ahayd inay kula tacaalaan dhibaatooyinka caafimaad ee iman kara.

 

Geesta kale dugsiyadan intooda badani ma laha waxyaalaha lagula dagaalamo dabka iyo gubashada hadiiba holac ka kaco goobahan mana jiro wax u damaanada waalidka dhalay ubadkaasi,waxaana amuurtaa canaanteeda leh waalidiinta oo aan heshiis sugan oo dheeli tiran la galin ganacsatada aqoonta ka raadiya  macaashka buuran.

 

GUNAANAD

Qormadan oo ah tii ugu danbaysay ee dhinaca dusiyada gaarka ah ayaa waxaynu kusoo gunaanadaynaa talooyin muhiima oo ku socda cidaha ay khusayso.

 

*Hadaynu ku hor marno dugsiyadan waxaa la gudboon inay muujiyaan waddaniyad iyo lexejeclo iyagoo wax ka badalaya habdhaqankooda waqtigan ee bulshada ay ugu adeegaan iyagoo samaynaya nidaam ka imika dhaama xag tayo,dhinac dhaqaale iyo mid adeegba iyagoo aakhiradooda u tudhanaya.

 

*waalidiinta ardaydoodu wax ka dhigtaan goobahan iyagana  waxaa la gudboon xisaabtan sharci ku dhisan oo dhex mara iyaga,dugsiyada gaarka ah iyo waaxda uga masuulka ah wasaarada waxbarashada goobahan.

 

*wasaarada w.barashadana waxaa looga fadhiyaa inay dardar galiso qorsheheeda ku waajahan aqoonta ganacsiga gashay ee bilaa tayada noqotay taasoo ifafaaleheedu muuqdo lagana sugayo go,aamo aan cidna duudsi ku ahayne raali laga wada yahay.

 

Waxaa iga xasuusina in aanay suurtogalin haba yaraatee in maamulada ama mulkiileyaasha dugsiyada gaarka ahi ay aqbaleen inay wax ka yidhaahdan iskana barraxaan eedaha bulshada iyo dhaliilaha dul hoganaya  ee qormadani xambaarsanayd iyagoo ka muquurtay,taasina waxay  marag fur fiican u tahay dhamaan waxyaalihii aynu qormadan ku qaadaa dhignay sugnaanshohooda,iyadoo uu qalinku iska ilaalinayay weerar iyo bartilmaameedsi cid gaara ku waajahan taasoo ka reebban anshaxa iyo milgaha mihnadda saxaafadda.

 

La soco qaybta sagaalaad ee qormadan oo aynu ku bilaabayno fawdada tacliinta sare iyo bilawgii jaamacadaha aan badankooda la mahadin ee dalka kusoo burqaday, waxtarkooda yar,ceebohooda iyo arrimo la hal maala.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here