Dibadbax Ka Dhacay Magaalada Laascaanood iyo Dad Ku Dhintay

0
2533

Laascaanood (Hargeisa Press) – Dadweynaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa maanta si weyn uga gedooday dilalka qorshaysan ee ku soo noq noqonaya magaalada, kuwaas oo aan la helin raadkooda.

Dadweynaha Laascaanood oo si weyn uga cadhaysan dilalka aan cidna loo qaban ee ka dhaca magaalada, ayaa isu soo baxooda ku soo beegay, kaddib markii xalay lagu dilay magaalada Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub).

Marxuumka, ayaa xalay fiidkii lagu dilay, isagoo xilligaa kasoo baxay Masjid uu ku tukaday Salaada, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood, iyadoo aan la aqoonsan ciddii dilka geysatay, isla markaana aan la xaqiijin tiradooda.

Dadweyneha oo ka cadhaysan dilalka, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada saaka waaberigii, balse ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xaaladda gacanta ku qabtay, waxayna ugu danbayntii ku guulaysteen in ay dadka kala dareeriyaan, iyadoo xaaladdu caadi kusoo noqotay saacado kaddib.

Wararka na soo gaadhaya, ayaa waxaa ay sheegayaan in dibadbaxa ay ku dhinteen ugu yaraan inta la xaqiijiyay 2 Qof, kadib markii Ciidamada Boolisku ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay.

Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadlin dilka ugu danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood iyo mudaharaadka shacbigu ku dalabanayeen in wax laga qabto dilalka ku soo noqnoqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here