Wasiirro Gabiley Kaga Qayb Galay Shaacinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

0
849

Gabiley (Hargeisa Press)- Wefdi wasiirro iyo masuuliyiin kale iskugu jira oo uu hoggaaminyo wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta, iyo Tognoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa maanta gaadhay magaaladda Gabiley.

Waxaana weftdigaasi ka mid ah Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud C/laahi Abokor Siciid, Wasiirka Macdanga iyo Tamarta, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Siciid Xasan Habane.

Sidoo kale, waxaa wefdiga Wasiirka ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Wakiillada, Guurtidda ee Somaliland, siyaasiyiin, madax dhaqameed, iyo masuuliyiin kale.

Wefdigaasi markii ay gaadheen magaaladda Gabiley waxaa halkaa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka, iyo ka degmadda Gabiley.

U jeedadda socdaalka wasiirradaasi ay ku tegeen Gabiley, ayaa la xidhiidhay ka qayb galka xafladda shaacinta wacyigelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la filayo in ay berito dalka ka bilaabanto.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo wefdigan soo dhaweeyay, ayaa xubnahan wasiirrada iyo masuuliyiinta ah uga mahad celiyay in ay kala soo qayb galaan shaacinta bilawga diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Waxaanu sheegay badhasaabku in ay sharaf iyo muhiimad weyn ba u tahay in wefti heer wasiirro ah ay goob joog ka noqdaan munaasibadda shaacinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Gabiley.

Iyadoona goobaha laga qaadanayo kaadhka codbixinta ee Gabiley ay ka kooban yihiin 8 goobood, sida ay hore u shaaciyeen komishanka doorashooyinka JSL.

Sidaas darteed na maadaama oo ay goobuhu aad u kooban yihiin, isla markaana wakhtiga ay diiwaan-gelintu soconaysaa ay kooban taha.

Sidoo kale, ay bulsho aad u tiro badan ku nool yihiin gobolka Gabiley, in ay lagama maar-maan tahay in dadweynaha si weyn loogu wacyigeliyo in ay fursadan ka faa’iidaystaan oo ay is-diiwaan-geliyaan qaataa na kaadhka codbixinta.

Geesta kale, xubnihii wasiirrada iyo masuuliyiinta ahaa ee xafladaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ba waxay bulshadda gobolka Gabiley ugu baaqeen in ay si balaadhan ugu soo baxaan qaadashadda kaadhka codbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here